
Xiddiga sare Xulka Qaranka soomaaliya Ismaaciil Maxamed Cumar Diyeeshe ayaa dhawaan booqday xarunta kooxda AC Horumar oo ah koox soomaali ah oo ka dhisan magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay xiddiga.
Diyeeshe oo ah ciyaaryahan si weyn ay u taqaan soomaalida ku dhaqan dalka Talyaaniga iyo Yurub ayaa waxaa xarunta kooxda ku soo dhaweeyay Gudoomiye Cabdullahi Cabdi Karin iyo Xaaskiisa xakiimo Cali Guuled iyo qaar ka mid ah ciyaartooyda kooxda..

Diyeeshee oo aan qadka taleefanka kula xariiray ka dib booqashadiisa ayaa ii sheegay inuu casuumaad ka helay gudoomiyaha kooxda Cabdullahi Cabdi Kariin,isagoona xusay inuusan waligiis hilmaamin doonin maalintii quruxda badneyd ee uu la qaatay dhalinyarada soomaaliyeed ee kooxda ka tirsan.
Waxuuna intaasi ku daray in Xarunta kooxda ay joogaan ku dhawaad 100 dhaliyaro oo iskugu jira caruur aad u da’yar iyo dhalinyaro da’weyne,kuwaasoo dhamaantooda ka tirsan heerarka kala duwan ee Kooxda AC HORUMAR.
Diyeeshe oo aan wax ka weydiiyay tirada dhalinyrada ka tirsan kooxda oo ah mid aad u badan marka loo fiiriyo soomaalida ku dhaqan Talyaaniga ayaa waxuu ii sheegay ina dhalinyarada ay u badanyahiin kuwa faro horay loogu qaaday markii ay soo galayeen Talyaaniga,isla markaana tiro dhowr jeer ah laga soo celiyay Wadamo badan oo Yurub ah,isla markaana ka rajo beelay inay u safraan dalalka kale ee Yurub.
Sidoo kale Waxaa ii suurta gashay inaan wareysto Gudoomiye Cabdullahi Cabdi Karin iyo xaaskiisa Xakimo Ali Guuleed,kuwaasoo ii sheegay inay maanta maalkooda iyo waqtigooda ay galiyeen kooxdaan oo noqtay midii ugu horesay ee Soomaali ah oo ka dhisaan magaalada Milano.
Waxeyna sidoo kale ii shegeen inay aad ugu faraxsanyihiin inay ugu dambeyn maanta arkaan Koox Soomaali ah ee ka jiirto dalka talyaaniga.
Ugu dambeyn Gudoomiye Cabdullahi Cabdi Karin ayaa sheegay inuu aad u farxi lahaa haddii uu maalin un arki lahaa Ciyaaryahan soomaali ee ka tirsan AC Horumar oo u ciyaara midkooda Kooxaha AC Milan iyo Inter oo ka dhisan magaalada Milano.
Warbaxin yar oo ku saabsan Kooxda AC Horumar ee ka dhisan magaalada Milano.

Kooxda AC Horumar waa Kooxdii ugu horeysay ee laga aas aaso Waddanka Talyaaniga waana sidoo kale Naadiga kaliya ee Soomaali ah ee ka dhisan ,magaalada Milano,waxaana kooxda u ciyaaraa Xiddigo mustaqbal wanaagsan ku leh k/cagta.kuwaasoo loo sadaalinayo inay mustaqbalka dhow ka soo muuqan doonaan Serie-A.
Kooxda waxy leedahay garoon iyo xarumo u gaar ah,taasoo ay ku tababartaan isla markaana ku ciyaaraan Ciyaartooyda kooxda.
Waxaa gudoomiye u ah kooxda Cabdullahi Cabdi Karin.
AC HORUMAR waa Kooxda kaliya ee ka jiirta dalka Talyaaniga oo maanta magaalada weyn ee Milano ka heshay abaalmarino badan oo muhiim ah.
waxaa kaloo xusid mudan in Sawirka Team-ka Kooxda 2010 uu ku yaalo saxiixa dowlada dalka Talyaaniga.
xafiiska wararka warsheekh.com itly
maxamudkoronto
Diyeeshaha xulka qaranka Somaliya Ismaaciil Maxamed Cumar Diyeeshe ayaa booqday xarunta kooxda horumar ee kadhisan talyaaniga(sawiro)