Jilaay Soomaaliyeed oo caan ah oo abaal-marin ku guuleystay, (waa kuma)

17/02/2014 - 08:26:45
Jilaay-gaan Soomaaliyeed laguna magacaabo Barkhad cabdi ayaa waxa uu ku guuleystay abaal-marin tii ugu horreysay oo uu ku guuleysto qof Soomaali ah taa oo laga bixiyo dalka Britain. Barkhad Cabdi  ayaa helay abaalmarinta Bafta ee Caalamiga ah taa oo  laga bixiyo dalka Britain asagoona ku mahadciliyay Dowladda Britain iyo hooyadiisa macaan.

Sikastaba Jilaa-gaan Soomaaliyeed aya waxa uu noqonayaa shaqsigii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku guuleyso abaal-marintaan qaali ah oo ay bixiso Dowladda Britain waxaa uuna Score-kiisa uu gili doonnaa Bogga Taariikhda Soomaalida.
   
mobile desktop