Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday Muqdisho

25/02/2014 - 12:46:48
Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan, kadib markii xalay halkaasi lagu dilay hooyo iyo wiil ay dhashay. Arintani ayaa timid kadib markii ay wada dagaalameen dad deris ahaa oo dagaalkooda uu ka biloowday caruur yar yar oo xaafada kuwada dagaalamay, waxaana dagaalka uu gaaray labada reerood.

Muran iyo dagaal dhexmaray labada reerood kadib, dadkii deriska ahaa ayaa isugu soo baxay oo kala kaxeeyay labada reerood, waxaana kahor inta aan lakala kaxeyn dhacday in reeraha dhagxaan ay isku tuuraan oo dagaalkooda uu gaaro in gacan la isku adeegsado.

Halkaa markii ay arinta mareyso ayaa mid kamid ah labada reerooda nin ka socday wuxuu aqalka ugu gar-garaacay reerkii kale oo markii dagaalka uu dhacay dadkii jaarka ahaa aqalka ay dib ugu soo celiyaan, waxaana uu ninkaasi guriga ka sameeyay fal naxdin badan.

Ninkii tooreeyda watay ayaa wuxuu guriga gudihiisa ku dilay hooyada ilmaha dhashay iyo wiil kamid ah wiilasha guriga joogay, halka uu dhaawacay qaar kale oo kamid ahaa wiilashii guriga.

Sidkastaba arinkaani ayaa saxaafada waxaa uxaqiijiyay  Muxudiin Cai Jimcaale oo kamid ah wiilasha la dhaawacay, ayna dhashay maamada guriga lagu dilayacan ku dhiiglaha falkaan dilka ah geystay ayaa ka baxsaday meesha, waxaana suurageli weysay in gacanta lagu soo dhigo.
   
mobile desktop