Waa Maxaay Jaceyl? "Fariin Dareen leh"
Jecelka waa dareen.
Indhihiisa waa doog .
Maqalkiisu waa farxad.
Wajigiisu waa kulan.
Degankisu wa qalbiga .
Dhaqankisu waa diinta.
Astantiisu waa udug.
Awoodisa waa kalsooni.
Hamigiisa waa guur.
Natiijadisa waa ubad.
Hadaba dhamaan fikradihii aanu soo uruurinay ayaanu waxa aan kazoo saarnay fariintan caajiibkaa taa oo dhamaanteed ka turjumeyso waxa uu yahay jacelka iyo meesha ugu danbeeso ee labada qofood ay isjeclaaneyso ay doonayaan in ay isla gaaraan.
Sikastaba jaceylka ayaa waxa uu noqonayaa waxa ay dunidaan oo dhami ku dhisan tahay ayadoona ay lama huraan ay tahay in leys jeclaado hase yeeshee su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay dhalinteena Soomaaliyeed ayaga side u adeegsadaan Jaceylka?
Fikradiinu waa muhiim
C.llahi dayax
Shabakada Caalamiga ah ee www.warsheekh.com
Xafiiska Muqdisho