Tacsi Tiiraanleh, Qoraa sare Cabdulqaadir Aromo Alle haw naxariisto.
16/07/2014 - 19:52:02
Tacsi Tiiraanyo leh.
Waxaanu halkan Tacsi uga direynaa, Ehliyadii iyo Qaraabadii uu ka tegay Marxuum, Cabdulqaadir Cusmaan(Aroma) AUN, Qoraagii weynaa oo ku geeriyoodey 16, July, 2014 waddanka Ingiriiska, magaalada London, waxaan leenahay ilaahay Naxariistii janno haka waraabiyo, Samir iyo Iimaana haka siiyo, Tacsidan ayaa waxaa diraya,
Bashiir Maxamed Xirsi
Bashiir Cali Barre
Bashiir Nuur Xirsi
Bashiir Cabdulqaadir bootaan
Maxamed Cilmi Dhicisoow
Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey
Abshir Cabdi
Maxamed Xuseen Faarax
Yaxye Xaashi Maxamed
Maxamed Xirsi Dhuux
Bishaar Kadiye Dhamac
Cabdirashiid Guure
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Axmed Macoow Xaayoow
Cabdifitaax Cali Faqay
Saciid Muuse Axmed
Dhammaantood waxay tacsi u dirayaan, Alle haw naxariistee Marxuumka ehliyadiisii, waxaana ku soo qatimaynaa, Maanso duco ah oo ilaahay aanu uga baryeyno inuu Qabriga u nuuro, Darka Fardowsana ka waraabiyo Aaamiin Aaamiin.
Waxaan leeyahay ilaahay haw naxariisto, Marxuum, Cabdulqaadir Cusmaan," Arroma" wuxuu ahaa, Sooyaal haye, Qoraa, Hal abuur geyiga Soomaaliyeed ka caan ah kana tegay dhaxal wanaagsan oo looga aayo, Ilaahayo u naxariiso Janatul fardowsana ka waraabi, Ehliyadiisiina Samir iyo Iimaan ka sii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed. Aaamiin Aaamiin Aaamiin
Alifkiyo higgaadeed
Ableynteeda Suugaan
Dhaqankiyo Alooskii
Hiddihiyo Arrimintiis
Arrin iyo dhigaalkii
Uruuriyaha Sheekada
Ab waxaan lahayniyo
Isirkeena Soomaal
Aromuu ahaayoo
Isagaa Aslaayoo
Ku asteeyey qalinko
Ubadkana u reebaye
Abaal baan u haynaa
Abid lama ilaawaan.
Adduunya iyo xaalkeed
Ifka laguma waaro
Ayaaneey ahaataba
Dadka Amar ilaahbaa
Ajashoo dhammaataa
Lagu Oofsadaayoo
Haduu Aroma Iil galay
Aqalkii Rumaad tegay
Eebboow Ugbaadiyo
Irridaha Janada iyo
Idhamada Fardawsan
Allow kaaga tuugnee
Aqbal Ducada Eeboow
Allow naga Ajiiboow
Iftiinkeeda Rowdiyo
Ilaahay Jannada gee
Ilaahaw jannada gee
Waxaa diyaariyey
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com