Koofurta Taiwan oo lagu qabtay tartan ay dadka ku soo qabanayaan kaneecada (Abaal marin la siinayo qofkii guuleysta)

02/11/2014 - 21:24:03
Tartankan soo qabashada kaneecada ayey ku dhawaaqday waaxda caafimaadka ee magaalada koishing ee koofurtaa Taiwan ayaa ujeedada laga leeyahay ay tahay in laga hortago cudurka kaduudiyaha ee ay keento kaneecada.
Dadka degaankaas ayaa la weydiistay in ay soo qabtaan in ay ugu badan ee ay awoodaan ee kaneeco ah, kuna soo qabtaan nolol ama geeri .

Qof kasta oo soo qabta tirada ugu badan ee kaneeco ah ayaa lagu abaalmarinayaa boqol Doollar iyadoo sidoo kale dadka ka qeybgala tartanka ay helayaan maro kaneecooyin iyo dawo ka hortagta kaneecada.

Magaalada Kaohsiung ayaa laga helay in ka badan 7kun oo kiis oo ah cudurka Kaduudiyaha iyadoo ay jiraan 200 kiis oo cusub oo cudurkaas ah oo dhawaan laga helya sida ay sheegtay jariiradda The China Post reports.

   
mobile desktop