Kumanaan lamaane oo mar kaliya isku guursaday dalka Brasil

01/12/2014 - 13:11:22
Xafladaan oo ay qabatay dawlada Brasil waxaa ujeedkeeda lagu sheegay in lagu caawinayay dadka aan iska bixin karin dhaqaalaha guurka ee haddana is doonaya ama qorshaynaya inay is guursadaan.
Xaflad ay ka qeyb galeen in ka badan 10,000 oo ruux oo la iskugu guuriyay illaa 2,000 oo ruux ayaa lagu qabtay garoon lagu cayaaro kubada cagta oo ku yaala magaalada Rio De Jenerio ee dalka Brasil.

Munaasabadaan oo loo aqoonsaday xaflad guurintii ugu weyneyd ee dalka Brasil lagu qabto taariikhda waxaa ay ka dhacday garoonka cayaaraha ee Maracanazinho arena waxaana goob joog ka ahaa marti sharaf gaaraysay 12,000 oo ruux.

Dawladu waxay sheegtay in xafladaan loo qabtay dadka shaqaysta ee haddana dhaqaale yar soo galo tusaale waxaa loo ogolaa qofka shaqaysta ee bishii ay soo gasho ugu yaraan lacag u dhiganta 1,000 dollar waxaana dawladu ku magacawday "Dia do Sim" oo la macno ah maalin ayaan sameeyay.

Lamaanayaasha la isku guuriyay ayaa ayagoo faraxsan waxay sheegeen inay muddo wada socdeen ama ay wada noolaayeen ayagoo maalintaan oo kale sugayay.

"Aad baan u faraxsanahay maanta mana farxadayda mid qiyaas leh sababtoo ah muddo 4 sanno ah ayaan guur qorshaynayayā€¯ waxaa sidaas yiri nin magaciisa la yiraahdo Emerson Moraes oo 34 jir ah waxaana lagu daray haweeney ay is barteen sanadkii 2010 oo iyana 31 sano jir ah.

Garoonka xafladaan lagu qabtay ee Maracanazinho arena waxaa uu ku dhaganyahay garoonka kale ee Maracana stadium oo la qorshaynayo in cayaaraha Olympicada 2016 lagu qabto.

Dalal kale oo kuwa dunnida Muslimka ka mid yihiin ayaa sidaan oo kale dhawr jeer loo qabtay xaflado la iskugu guurinayo lamaanayaal is calmaday oo haddana aan awood dhaqaale oo badan haysan.

   
mobile desktop