TACSI: Sheekh Cabdi Sheekhaal Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

18/01/2015 - 21:03:14
Inaa Lillaahi Wa Innaa Ileeyhi Raajicuun. Waxa dhambaal tacsi ah hawada loo marinayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha Unaxariiste Sheekh Cabdi Nuur Sheekh Axmed ( Sheekh Cabdi Sheekhaal) oo duhurnimadii maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in maalinta beri ah lagu aaso xaafada Cali Kamiin, degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Warsheekh waxey Tacsida udirayaan Allaha Unaxariiste Sheekh Cabdi Nuur Sheekh Axmed (Sheekh Cabdi Sheekhaal) iyadoo looga Tacsiyeenayo geerida Kutimid, Eheladii ,qaraabadi iyo jameecadii uu ka geeriyooday waxaana leenahay Eebe Haka Waraabaiyo Janatu Fardowsa Aaaaamiin.

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun

Tacsi Tan lamid ah ayaa waxa dirayo guud ahaan Jameecada Reer Sheekh Cabdi Celli ee Qurba Joogta ah.

Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud
Cabdi Maxamed Maxamuud (Cabdi Yare)
Maxamed Macalin Daa’uud (Shiino)
Xaaji Axmed Xaaji Maxamud Maxaadey
Xaaji Maxamuud Xaaji Siid (Xaaji Saqiir)
Dr: Axmed Shaa’ib
Axmed Xaaji Siid (Farmaajo)
Xasan Cumar Gaab
Maxamuud Maxamed Xuseen (Daacad)
Axmed Xaaji Madoobe
Siid Cali Macalin Seerjito
Yuusuf Xaaji Shiikhey Xaaji Cade
Sheekh Isxaaq Xaaji Muuse
C/raxman Maxamed Cali
Iyo guud ahaan Qurba Joogta Reer Sheekh Cabdi Celli waxey leeyihiin eebe haka waraabiyo Janatu Fardowsa Sheekh Cabdi Sheekhaal ehelki iyo qaraabadi uu ka dhintana Samir iyo iimaan Alle haka siiyo, Aaamiin, Aaamiin.


Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun

   
mobile desktop