Tacsi: Marxuum Xaaji Islow Ciisey oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

15/02/2015 - 19:23:06
Allaah Unaxariiste waxa habeenki xalay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Marxuum Xaaji Islow Ciisey oo siweyn looga yaqiinay dalka Soomaaliya, Ilaahay waxaan u weydiinaynaa Marxuumka inuu dembigiisa Dhaafo Qabrigana illaahay u nuuriyo Kitaabkiisan Illaahay Midigta ka siiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu kategeyna samir iyo iimaan Illaahay kasiiyo Inagana illaahay gadaashiis inama Fitneeyo.

Waxa dhambaal tacsi ah diraya


Dhamaan Jameecada reer Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sh. Cabdi Celli) oo uu horkacayo Saaxibul Sijaadaha reer Sheekh C/raxman.

Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman Sheekh Cumar
Sayid Maxamuud Sheekh C/raxman Sheekh Cumar
Sheekh Cabduqaadir sheekh C/raxman Sheekh Cumar
Sheekh Ibraahim Sheekh C/raxman Sheekh Cumar
Sheekh aweys Sheekh C/raxman Sheekh Cumar
Sheekh Cabdiraxman Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman


iyo guud ahaan Mudarasiinta, Macalimiinta, Ganacsatada, Dhaqanka, Haweynka iyo Dhalinyarada reer Warsheekh waxey leeyihiin Ehelka iyo Qaraabada uu kutagay Xaaji Islow Samir iyo iimaan, Marxuumkana Eebe haka waraabiyo Janatu Fardowso.

Inaa lilaahi Wa inaa ileehi Raajicuun.

Xafiiska Shabakada Warsheekh - Muqdisho
E-mail. webmaster@warsheekh.com


   
mobile desktop