XAAJI CALI YUSUF IMANKEEY OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA ROCHESTER, MINNESOTA USA.

09/03/2015 - 22:19:19
Inaa Lilaahi wa inaa ileehi Raajicuun, Allaax Unaxariiste waxa Magaalada Rochester ee gobolka Minnesota ee Mareykanka ku geeriyooday Xaaji Cali Yuusuf Iimaankey oo siweyn looga yaqiinay gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya.
Dhamaan Culumaa'udiinka reer Warsheekh iyo guud ahaan jameecada reer Sheekh C-raxman Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celli) waxey tacsi tiiraanyo leh udirayaan dhamaan ehelka iyo qaraabadi oo ku geriyooday Xaajiga inuu samir iyo iimaan kasiiyo, Xaajigana Qabrigiisa nuur iyo raxmad eebe kusiiyo.

Tacsi tan lamid ah ayaa waxa diyaraya dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Warsheekh iyadoo ehelka iyo qaraabadi uu ka tagay marxuumka Alle looga tuugay inuu samir iyo iimaan kasiiyo, marxuumkana uu ka waraabiyo janatu Fardowso.

Dhanka kale waxa la ogeysiinayaa Umada Muslimiinta gaar ahaan Dadka Soomaaliyeed in janaasada xaajiga lagula dukaday wadanka Mareykanka  
MAALINTII ARBACADA TAARIIKHDUNA AHEED 4/3/2015.  isla markaana Xaajiga la aasi doono MAALINTA JUMCADA TAARIIKHDUNA TAHAY 13/3/2015 ayaa waxa lagu duugi doono isla magaalada Muqdisho.




Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun.


   
mobile desktop