Ahlu Dariiqa oo maanta ukala harin Aaska Saaxibul Sijaadaha reer Sheekh Suufi, Marxuum Sheekh Abashaan.

16/05/2015 - 14:00:27
Allaah Unaxariiste waxa maanta magaalada Muqdisho lagu Aasay Sheekh Abashaan oo ahaa Saaxibul Sijaadihi reer Sheekh C/raxman (Suufi).

Aaska Sheekha ayaa waxa kasoo qeygabaly dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed oo ee hogaaminayaan jikooyinka waa weyn ee daruuqu Suufiyah.

Salaadi Janaasada kadib ayaa sheekha lagu sagootiya xilqooyin dikri ah oo ee soo wada xaadireen qaa'idiinta Daruuqu Suufiyah.

Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Warsheekh iyagoo isku duuban waxey markale dhambaal tacsi ah udirayaan Dhamaan Ahlu Daruuqu gaar ahaan reer Sheekh C/raxman Suufi geeridi kutimid Allaah Unaxariistee sheekh Abashaan Sheekh C/raman Sheekh Maxamed Sheekh Cusman Sheekh Suufi (Qudbul Banaadir) iyagoo Alle uga baryay Sheekha inuu janadi Fardowso ka waraabiyo.

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun.

 
 
mobile desktop