Gudoomiyaha Axmed Shiidka oo kormeeray Isbitaalka degmada iyo Saldhigyada Amisom ee kuleeyihiin Deg-Warsheekh.

07/07/2015 - 03:47:08
Wafdi uu horkacayo gudoomiyaha cusub ee degmada Warsheekh Mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa waxey socdaal ukuur gelida ah xaalada degmada ee maanta ku mareen qeybo badan oo katirsan degmada Warsheekh.

Wafdiga ayaa ugu horeyn waxey booqdeen isbitaalka degmada Warsheekh oo ee gacanta kuhayso hay'ada INTERSOS iyadoo halkaasi uu si diiran ugu soo dhaweeyeen howlwadeenada Isbitaalka uu horkacayay dhakhtarka degmada Warsheekh, Dr: Aweys Shiikhey Xaaji Cade.

Dr Aweys Shiikhey ayaa uga warbixiyay wafdiga gudoomiyaha xaalada isbitaalka degmada uu iminka kusugan yahay iyo howlaha ee uqabtaan bulshada isagoo sidoo kale Dr Aweys kusoo wareejiyay wafdiga qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka.

Dr : Shiikhey ayaa mar uu kahadlayay sida ee ula tacaalaan bukaanada iminka kusugan isbitaalka ayaa waxa uu yiri: "Baaritaano caafimad kadib bukaanada waxa uqornaa daawooyin oo aan kusiino si bilaash ah isbitaalka degmada iyadoo sidoo kalena ee na caawiyaan taliska Amisom ee degmada kuwaasi oo sidoo kale noogu deeqo hadba daawooyinka aan ubaahanahay",

Gudoomiyaha degmada ayaa ku booriyay Dr: Aweys Shiikhey iyo howlwadeenada kale ee caafimadka iney laba laabaan howlaha caafimaad ee uhayaan bulshadooda iyadoo gudoomiyaha balan qaaday in la dar dar geli doono howlaha isbitaalka adeegyo badana lagu soo kordhin doono.

Dhanka kale wafdiga uu horkacayay gudoomiyaha ayaa uga sii gudbay booqashadooda talisyada ciidamada Amisom ee kuleeyhiin degmada Warsheekh sida Xerada Qorilow iyo xarunta degmada Warsheekh.

Gudoomiyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay taliska sare ee ciidamada Amisom ee fariisinka kuleh degmada Warsheekh, iyago taliyayaasha uga warbixiyeen wafdiga gudoomiyaha xaalada amaan ee degmada.

Kulankaani oo ahaa mid isbarasho ah ayaa waxey labada dhinacba ku balameen kulamo kale oo xiriir noqon doono .

Booqashada wafdiga uu horkacayay gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ee uu maanta kumaray isbitaalka degmada iyo taliska Amisom ee degmada warsheekh ayaa qeyb ka ah qorshaha cusub ee maamulka degmada kudoonayaan in lagu dar dar geliyo horumarinta degmada Warsheekh.

W/D, Axmed Sheekh Abuukar
Mobile: +252615849030
E-mail: axmed931@hotmail.com

 
 
mobile desktop