(Tacsi) GACAL IYO SOKEEYABA WEY KA NAXEEN GEERIDA GEESIGII REER GAABOOW.

10/11/2015 - 01:37:24
Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Warsheekh waxey tacsi tiiraanyo leh udirayaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay allaah unaxariistee marxuum Xaaji Abuukar Xasan Cali gaabow, Innaa lilaahi Wa inaa ileehi Raajicuun.
 XAAJI ABUUKAR XASAN CALI GAABOOW, taariiq ahaan wuxuu ka soo jeedaa qoys caan ku ah bahda Isportiga, sanaddihii 70-yadii wuxuu ka mid ahaa ruug cadayaashii bud dhigay Naadigii Wakaalada Madbacadda Qaranka (MBC), muddo aad u dheer Xaajigu wuxuu ahaa Xisaabiyaha Madbacadda , Codkarnimo, Geesinimo, Dulmi naceyb, Diin & Dad jaceyl, Cibaado badan, Naxariis Joogto ah iyo u- hiilinta dadka tabarta yar ayaa lagu xasuusan doonaa Aabbaheenii inaga baxay.

Inkastoo aan Adduunka lagu waareyn ayaa anigoo ka murugoonaya Geerida Xaajiga waxaan Gacal iyo Sokeeyaba weydiisanayaa inaan u Duceyno MARXUUMKA , Illaahna uga barino inuu u naxariisto, janadana uu galiyo. …

   
mobile desktop