Ciyaaryahaan Dybala Oo Lagu Naaneyso Messi-ga Cusub Ayaa Caawa Ka Dukaameystay Shabaqa Barcelona

11/04/2017 - 09:27:31
Kooxda Juventus Ayaa Caawa Dhulka Kujiiday Kooxda Barcelona Oo Waayadaan Kujirto Qaabciyaareed Liita Waxaana Ay Ku Xaaqeen 3-0 Ayagoo Ilaashaday In Gurigooda Away Goal Looga Dhaliyo.
Ciyaaryahaan Dybala Oo Lagu Naaneyso Messi-ga Cusub Ayaa Caawa Ka Dukaameystay Shabaqa Barcelona Oo U Muuqday Mid Ilaalo La'aan Cml Ah Asigoo Ka Dhaliyey Laba Goal Oo Qurux Badan Oo Barca Halftime Lagu Marsiiyey.

Qeybti Labada Ee Ciyaarta Ayaa Waxaa Madax Ugu Sadaxeeyey Daafac Halyeeyga Ah Chiellini Goolkaas Oo Ahaa Mid Niyad Jabweyn Kusii Abuuray Barcelona Waxaana Juventus Wali Kahor Muuqanayey Finalihi 2015 Ee Barcelona 3-1 Uga Qaaday Ciilkaas Dartiis Ayey Kala Duldhaceen Barcelona Ayagoo Dhulka Si Fiican ULA Galay.

Kooxda Juventus Ayaa Seasonkaan Kujirta Qaab Ciyaareed Aad U Sareeyo Oo Indha Qabad Leh Waxaana Laga Dhaliyey Kaliya Laba Gool Sanadkaan Champions League Waxaana Caawa La Ciyaaray Lugta Hore Ee Wareega 8 Dhamaadka Taasna Waxee Muujineysaa Awooda Juventus Ee Dhanka Difaaca Iyo Isku Xernaanta Weerarka Iyo Dhaxda Oo Si Habsami Leh Isula Jaanqaado.

W/D: Cali Sheekh Axmed (Cali Yare)

   
mobile desktop