Midawga Africa oo Sheegay in Ay Taageerayaan Ahlu Sunna

0
Sunday March 20, 2011 - 14:44:48 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Africa oo Sheegay in Ay Taageerayaan Ahlu Sunna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Hogaanka ciidamada Midawga Africa ee Soomaaliya ka hawl gala ee AMISOM ayaa sheegay nay taageero siinayaan ciidamada u dagaalama culumo awdiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee dagaalada kula jira Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab sida ay manta ku warantay wakaaladda wararka ee Walta Information oo ka mid ah wakaaladaha wararka u faafiya dawlada Ethiopia.


Warku waxaa uu sheegay in kulan gaar ah oo magaaladda Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia xubnaha ugu sar sareeya taliska ciidamada nabad illaalinta AMISOM ku go’aamiyeen inay ku caawiyaan Ahlu Sunna Waljameeca dagaalka ay dagaalyahanada Al-Shabab kula jiraan waxaana warku intaa ku darayaa in qorshuhu yahay in ciidamada Ahlu Sunna lagu taageero saanad ciidan iyo tababaro si ay guulo uga gaaraan dagaalada ay ku jiraan.


Wakaaladda wararka ee Walta waxay ku waramaysaa in AMISOM ay haddaba kaalin muuqata ku leedahay arrimaha dhaq dhaqaayada ay Ahlu Suna ka wado dalka Soomaaliya kuwaasoo dagaalo ka wada gobolada wadanka Soomaaliya.


Midawga Africa waxay sheegeen inay tababaro gaar ah siinayaan ciidamada u dagaalama culumo awdiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo ka arrimiya qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaalia.


Sidoo kale wakaaladda wararka ee Walta waxay ku waramaysaa in kulan ay magaaladda Addis-Ababa ku yeesheen wasiirka gaashaandhiga dawlada KMGS C/xakiin Xaaji Fiqi iyo R/wasaaraha Ethiopia ay ka wada hadleen taageerida midawga Africa ee dawlada KMGS iyo Ahlu Sunna.


Culumo awdiinka Ahlu Sunna ayaa ka mid ah dhinacyada sida weyn ula dagaalama dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Al-Shabab oo haatan ka taliya inta badan gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.


Warku waxaa uu intaa ku darayaa in hogaanka ciidamada AMISOM ay sii kordhinayaan tirada ciidamada Soomaaliya ka jooga kuwaasoo la gaarsiin doono illaa iyo 12,000 askari.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip