God kusoo dumay Soomaali Qodeesay Dahab

0
Monday February 26, 2024 - 14:35:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    God kusoo dumay Soomaali Qodeesay Dahab

    Wararka ka imaanayo Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in laba nin oo Soomaali ah ee ku dhinteen god ee kaqodayeen dahab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanayo Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in laba nin oo Soomaali ah ee ku dhinteen god ee kaqodayeen dahab.


Mid kamid ah raga macdanta ka qodayay godka dumay, oo warbaahinta  warramay, ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaanu sheegay in si lama filaan ah uu godku usoo dumay.

"Labadaas ayaa gudaha ku jiray intayada kalena dibada ayaanu joognay, meeshii oo soo duntay oo isku baabaday uunbaanu aragnay, il-bidhisi ayay ahayd daymada aan daymoonay iyo gariirka meesha ka baxay" ayuu yidhi.

Nin kale oo kamid ah raga macdan qodayaasha, ayaa sheegay in labada nin ee dhintay uu mid gudaha hoose ku jiray, ka kalena uu meel soke taagnaa kadibna markii uu gabiga buurtuu dhaqaaqay uu isku dayay in uu ka kale bad baadiyo sidaana ay ku dhinteen labadooduba.

Xildhibaan Mursal Maxamed Jaamac oo kamid ah Golaha Deegaanka Ee Degmada Gabilay, ayaa MMTV u sheegay in lasoo saaray maydadka, isla markaana waxa loo qaaday magaalada Gabilay.

Waxa la sheegay in saddex dhacdo oo sidan oo kale ah, oo ay dad nafahooda ku waayeen ay deegaanadan ka dhaceen sannadihii lasoo dhaafay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip