Waa nalagu sirey Xaawo Taako!

0
Sunday December 19, 2021 - 23:23:04 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2876
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waa nalagu sirey Xaawo Taako!

    Taatiikh badan oo been ah ayaa soo baxaysa, dad aan ku baranay in ay halgamayaal yihiin ayaa la ogaadey inay gumeysi raac ahaayeen, Run ayaa moodnay beentii na loo qurxiyay, maanta ayay noqotay in la kashifo mid ka mid ah taatiikhdii beenta aheyd ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taatiikh badan oo been ah ayaa soo baxaysa, dad aan ku baranay in ay halgamayaal yihiin ayaa la ogaadey inay gumeysi raac ahaayeen, Run ayaa moodnay beentii na loo qurxiyay, maanta ayay noqotay in la kashifo mid ka mid ah taatiikhdii beenta aheyd ee na lá cabsiiyay!

Qoraal dheer oo bartiisa Facebook uu ku soo qorey Prof Yahya Amir ayaa akhriyay, caddeymo badan ayaa ka helay, xog-ogaal ayuu iga dhigay, been aan cabsanaa ayuu iga tirtiray, Runta ayuu iga daba-geeyay, si cilmiyaysan ayuu ii barey gabar aan u haystay halgamaa Qaran!

Horey waa u maqlay in aaney sax aheyn sida uu Kacaankii u buun-buuniyay taariikhda Xaawo Taako, cilmi baarista uu soo bandhigay Aqoonyahan Yaxye waxa ay iftiimisay in gabartaas ay aheyd qof la safan oo difaacaysay 1948 gumaystihii Talyaaniga oo ay Soomaalida la dagaalamaysay!

Xaqiiqooyin badan oo ku qarsanaa tariikhda Xaawo Taako ayuu Prof-ku na la wadaagay, hubaashii horey ayaa na loo qayaanay, nasiib wanaag haatan Xog-ogaal ayaa noqonay, mana dhici doonto in dib dambe na loo gaado!

W/Q: Shiiqaalow Xasan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip