Ra'iisul Wasaare Cabdiwali: "Soomaaliya waxay ka sii baxaysaa xiligii colaada, waxaana ku baaqayaa in deg deg loo joojiyo dagaalada Beled Xaawo"

0
Monday May 05, 2014 - 19:23:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Cabdiwali: "Soomaaliya waxay ka sii baxaysaa xiligii colaada, waxaana ku baaqayaa in deg deg loo joojiyo dagaalada Beled Xaawo"

    Muqdisho, 05, May, 2014…Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ku tilmamay dagaalada ka dhacay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kuwa nasiib daro ah, isla markaan xukuumaddu ay si adag ula xisaabt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 05, May, 2014…Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ku tilmamay dagaalada ka dhacay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kuwa nasiib daro ah, isla markaan xukuumaddu ay si adag ula xisaabtamayso cidii ka danbaysay dagaalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa cambaarayn dusha uga tuuray kooxaha caadaystay in shacabka dhaxdiisa ku dhex dagaalamaan, iyadoo xiligaan shacab iyo dowladdaba heegan loogu jiro sidii kooxaha nabad diidka ah dalka looga sifayn lahaa.

"Waan ka xunahay dhibaatooyinka soo gaaray shacabka ku nool magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

"Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ay ku wax yeeloobayaan shacabku, Waxaana xasuusinayaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay Xukuumaddu baaritaan ku samayn doono cidii ka danbeysay dagaalka lagulana xisaabtami doono cid waliba oo dagaalkaas lug ku yeelata.

---DHAMAAD--


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip