Madax sare oo kulug yeelatay dilka ganacsade lagu dilay Muqdisho

0
Tuesday February 27, 2024 - 16:21:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax sare oo kulug yeelatay dilka ganacsade lagu dilay Muqdisho

    Dilkii shan cisho ka hor Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistii Ganacsade Abuukar Gaabax oo Habeenimadii Khamiistii oo taariikhdu ku beegneyd 22 Bishan Febraayo laga afduubtay degmada Huriwaa ayaa waxaa soo baxaya dilkiisa inay ku lug lahaayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilkii shan cisho ka hor Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistii Ganacsade Abuukar Gaabax oo Habeenimadii Khamiistii oo taariikhdu ku beegneyd 22 Bishan Febraayo laga afduubtay degmada Huriwaa ayaa waxaa soo baxaya dilkiisa inay ku lug lahaayeen Saraakiil ciidan.


Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Huriwaa uu u xiran yahay falkaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug leeyahay oo uu soo maleegay naftiisa shirqoolka, maadaama caddeymaha ay bixiyeen eedeysanayaal kale oo gacanta hey’adaha amniga ku jiro oo tuhunka afduubka iyo dilka qeyb ka ahaa.

Qoyska marxuumka ayaa go’aansaday in hey’daha amniga iyo garsoorka uga dambeeyaan inta baaritaanka uu socdo iyo sidoo kale horgeynta eedeysanyaasha maxkamadaha dalka, si sharciga loo marsiiyo oo aysan baraha bulshada iyo warbaahinta aysan ku jah-wareerin afduubka iyo dilka arxan darrada ah ee wiilkooda lagula kacay.

Arrinta layaabka leh ee caddeymaha marag-muujinta ee la helay ayaa ah in Camerooyin CCTV ee ay leeyihiin hey’addaha amniga oo laga arkay dhaq dhaqaaqii kooxdii afduubka geysatay oo isticmaalayay gaariga marxuumka iyo gaariga kooxda shirqoolka soo maleegtay oo isaga kala gooshay illaa shan degmo oo ugu dambeyn halkii laga helay meydka Marxuumka oo ahaa deegaanka Garasbaaley.


Waxaa kaloo falkan uu bannaan keenay in shirqoolkan ka soo bilowday dad ay ganacsi wadaag ahaayeen Marxuumka oo ka shaqeynsayay Cryptocurrencies, ujeedkuna ahaa in lacago ku jiray Bangiga akoonkiisa in laga dhaco, balse markii ay suura geli weyday ay go’aansadeen kooxdii falka ka dambeysay in marxuumka nolosha dhaafiyaan, maadaama la is-weji yaqaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip