Faahfaahin la xiriirta ninka xaaskiisa oo xaamilo ahayd ku gubay Muqdisho

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin la xiriirta ninka xaaskiisa oo xaamilo ahayd ku gubay Muqdisho

    Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacaday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin uu xaaskiisa nolosha ku gubay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacaday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin uu xaaskiisa nolosha ku gubay.


Ninka oo lagu magacaabo Siid Cali Macallin Daa’uud ayay dadka deegaanka sheegeen inuu jirdilay xaaskiisa ka dibna uu qol ku soo soo xiray ka hor inta uusan dab qabadsiin guriga.

Gabadha la gubay oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa hadda waxaa lagula tacaalayaa qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer, sida uu BBC-da u sheegay Camaadi Sheekh Cabdiziiz oo ah walaalkeed.

"Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer, dhaqaatiirta ayaana la tacaalaya" ayuu yir Camaadi.

Waxaa uu sheegay in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo lix bilood, aysan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

"Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay" ayuu hadalkiisa sii raaciayay.

BBC
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip