Maamulka Muqdisho oo tilaamay in dhibaato hor leh caasimada qaadi karin.

0
Tuesday January 11, 2022 - 18:19:33 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Muqdisho oo tilaamay in dhibaato hor leh caasimada qaadi karin.

    Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada guud ee Caasimadda dalka, waxaana guddoomiyaha gobolka uu warbixin ka siiyay masuuliyiintii kulanka goobjooga u aheyd, waxyaabahii kasoo baxay shirkii Golaha wadatashiga Qaranka dhawaan ugu soo gabagaboobay Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale, kala hadlay guddoomiyaasha degmooyinka iyo madaxda laamaha amniga ineysan Muqdisho xamili karin culeysyo cusub, islamarkaana aysan aqbali doonin in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan banaanbaxyo uusan la socon maamulka gobolka Banaadir.

"Maadaama la xalliyey dhamaan tabashooyinkii qeybaha kala duwanaa ee Siyaasiyiinta iyo Bulshada ay ka qabeen qaab socodka doorashada, gollaha wadatashiga Qarana uu iclaamiyey in muddo aad u kooban oo 45 berri ah lagu soo koobo doorashada Golaha shacabka, Xamarna ay ka mid tahay meelaha ay doorashadaas ka dhaceyso, waxaa muhiim in shacabka iyo guud ahaan cid walba ay nagala shaqeyso sugidda Amniga Caasimada oo ay ka fogaadaan kicinta dadka si ujeeddo la’aan ah" ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa ugu baaqay shacabka ku nool gobolka Banaadir iney ka shaqeeyaan amniga iyo nabadgalyada Caasamida dalka, waxaana kulankaan maanta ay yeesheen guddoomiyaha gobolka iyo kuwa degmooyinka iyo laamaha amaanka gobolka uu imaanaya xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan abaabulka banaanbaxyo ka dhaca Muqdisho maalinta Khamiista ee taariiqdu ku beegan tahay 13-01-2022, kaasoo looga soo horjeedo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip