Kulan Soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Muxyadiin.

0
Friday February 18, 2022 - 00:31:04 in Wararka by
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Muxyadiin.

    Xaflad lagu soo dhaweynayo Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Muxyadiin ayaa maanta waxa lagu qabtay hotel Guryo samo ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad lagu soo dhaweynayo Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Muxyadiin ayaa maanta waxa lagu qabtay hotel Guryo samo ee magaalada Muqdisho.

Xafladaani oo ee kasoo qeybgaleen qaar kamid ah wax garadka bulshada ku abtirsada deegaanada gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir.

Munaasabadaan ayaa sidoo kale waxa lagu soo dhaweeyay qurba joog Mudane Cabdulle Xasan Nuuroow, Maxamed Cumar Juuni iyo Dr Cabdulahi Cali xasan.

Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Muxyadiin oo munaasabada kahadlay ayaa balan qaaday inuu kaqeyb qaadan doono dibu dhiska iyo tayeeynta adeegyada bulsho sida Isbitaalada, Iskuulada iyo dhamaan adeegayada wax kaqabashada ubaahan.

Kulankanaani ayaa sidoo kale waxa kamid ahaa xubnihi kasoo qeybgalay, Suldaan Aweys Siid Maxamuud. Xildhibaan Cabdulahi Cade. Agaasimayaasha cisbitaalka Martiini Dr jalaaludiin. Agaasimaha Isbitaalka Yaardameeri Dr Saalax. Agaasimaha Red Sea Dr Hassan Mohamed nuur.

Gabagabadi Munaasabada ayaa waxa loogu mahadceliyay Ganacsade Xaaji Cabdi Macalin oo isaga suuragaliyay qabsoomida kulankaan qiimaha badan ee oo isku arkeen waxgaradka qiimaha badan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip