Qalalaase kataagan Xerada Afisiyooni iyo Xildhibaano gudaha galay

0
Wednesday April 27, 2022 - 14:54:59 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalalaase kataagan Xerada Afisiyooni iyo Xildhibaano gudaha galay

    Qaar kamid xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka tagay Teendhada Afisiyooni, halkaasi oo la filayo in ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka tagay Teendhada Afisiyooni, halkaasi oo la filayo in ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, oo kamid ah mudanayaasha galay goobta doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaannada kale in ay yimaadaan, isagoona rajeeyay in maanta ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

"Waxaan joogaa Teendhada Afisiyooni, Xildhibaannada waxaan leeyahay soo dhaqsada. Maanta wax dhaafaya ma jiraan. Musharraxiinta ayaa laga rabay in ay soo dhaqsadaan, walina ma aysan imaanin”, ayuu yiri.
Mudane Jacfay, ayaa intaasi raaciyay in aysan jiri karin xildhibaan la celin karo. Dhinaca kale Xildhibaan Nuradiin, ayaa kamid ah xildhibaannadii galay Teendhada.

Hubanti la’aan ayaa maanta ka jirta qabsoomida doorashada, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu faray ciiddanka Midowga Africa ee ATMIS in ay la wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, balse uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo xalay waxaa soo baxayay warar su’aalo badan gelinaya in doorashada ay qabsoomi karto maanta, maadaama caqabad ay ka taaganyahay sida xildhibaannada ay ku geli karaan goobta doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka uu liiska xildhibaannada galaya goobta doorashada uu usoo gudbin doono xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kaddib xafiiska Ra'iisul Wasaaraha marka uu hubiyo ayuu liiska u sii gudbin doonaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo leh amarka ugu dambeeyay ee lagu gelayo madasha doorashada.

Balse madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddiga Amniga doorashada oo uu guddoomiye ka yahay taliyaha ciidanka booliska ay masuul ka yihiin sugida amniga doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku baaqday in geeddi-socodka doorashada lagu soo gabo-bageeyo si nabdoon, iyagoona soo dhoweeyay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.
Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada.


Source: HOL
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip