Finland oo sanadkii shanaad ku guuleysatay dalka ugu farxadda badan caalamka, Sweden iyo Norway oo galay

0
Sunday March 20, 2022 - 22:22:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Finland oo sanadkii shanaad ku guuleysatay dalka ugu farxadda badan caalamka, Sweden iyo Norway oo galay

    Dalka Finland ayaa sanadkii shanaad oo xiriir ah loo aqoonsaday dalka ugu farxadda badan caalamka, halka Afghanistan ay ku jirto kaalinta ugu hooseysa, waxaana ku xiga Lubnaan iyo Venezuela.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Finland ayaa sanadkii shanaad oo xiriir ah loo aqoonsaday dalka ugu farxadda badan caalamka, halka Afghanistan ay ku jirto kaalinta ugu hooseysa, waxaana ku xiga Lubnaan iyo Venezuela.

Denmark ayaa kaalinta 2-aad kaga jirta liiska warbixinnada farxadda adduunka , waxaana ku soo xiga Iceland, Switzerland, Netherlands, Luxembourg iyo Sweden.

 
Norway ayaa sanadihii 2017 ilaa 2019 ku jirtay kaalinta shanaad, balse ilaa hadda waxa ay gashay kaalinta 8-aad ee liiskan oo ay diyaariyeen cilmi-baarayaal Mareykan ah, kuwaas oo ku saleeyay baaritaanno uu machadka Gallup ka sameeyay 146 waddan.

Dadka Muwaadiniinta waxaa laga codsanayaa, qiimeynta Farxadooda, dhaqaalahooda iyo xorriyaddooda shakhsi ahaaneed min hal ilaa toban.

Maraykanka ayaa saddex darajo ka soo galay liiska tan iyo markii uu Joe Biden la wareegay xilka madaxtinimada Donald Trump ka dib, Britain ayaa ku soo xigta, Faransiiska ayaa soo galay kaalinta 20aad, isagoo ka sarreeya sidii hore.

Somaliska
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip