Ruushka oo fariin culus udiray Sweden iyo Finland hadii

0
Friday April 15, 2022 - 12:11:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1492
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo fariin culus udiray Sweden iyo Finland hadii

    Guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa Sweden iyo Finland ugu hanjabay "cawaaqib xun" maadaama labada dal ay ku biirayaan Ururka NATO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa Sweden iyo Finland ugu hanjabay "cawaaqib xun" maadaama labada dal ay ku biirayaan Ururka NATO.

Medvedev ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in Ruushku uu "tallaabo ka qaadi doono” gobolka haddii ay tani dhacdo, isagoo intaa ku daray in xubinnimada NATO ay saameyn doonto dheelitirka nukliyeerka ee gobolka badda Baltic, taas oo macnaheedu yahay in Ruushku "uu soo celin doono dheelitirka.” Sida laga soo xigtay SVT oo soo xigatay Sky News.

 
Medvedev wuxuu ahaa Madaxweynaha Ruushka 2008 ilaa 2012, iyo Ra’iisul Wasaare 2012 ilaa 2020.

Wargeyska Svenska Dagbladet ayaa daabacay warbixin ku saabsan in Iswiidhan ay go’aansatay in ay codsato xubinnimada NATO bishii June. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha dibadda Anne Linde ayaa si cad u beenisay warkaas, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in Sweden ay weli daraasayso dhammaan fursadaha jira.

 
Go’aanka NATO ee ku saabsan xubinnimada NATO ayaa la soo saari doonaa toddobaadyo gudahood, sida ay sheegtay ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin oo shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay shalay dhiggeeda Sweden, Magdalena Andersson.

Siyaasi caan ah oo u dhashay dalka Ruushka ayaa ku hanjabay in ay cawaaqib xumo ka dhalan doonto hadii labada dal ay doortaan in ay ku biiraan isbaheysiga. "Finland uma soo dhowaan karto xuduudaheena,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka Duma ee gobolka Duma Petgötter Tolstoy.

Iyadoo khubarada Sweden ay ka digeen kororka tirada weerarrada elegtarooniga ah, taasoo bedel u ah weerarrada milateri.

Waxaa dhawaanahan isa soo tarayay calaamado muujinaya in Sweden iyo Finland ay ku biirayaan NATO.

Tolstoy oo waraysi siiyay warfidiyeenada ayaa uga jawaabay xubinimada labada wadan, wuxuuna yidhi, "Finland waxa ka buuxa kaneeco, hadii Finland ama Sweden ay ku biiraan isbahaysiga, Ruushku wuxuu sugi doonaa ammaankiisa si xitaa kaneecadu aanu u dhicin. waxay rabaan inay u duulaan meel u dhow xudduudaha dalka.”

"Waxaan haynaa robots oo aanu gelin doono xuduudaha Finland , Sweden iyo Poland. Waxaan si buuxda u dammaanad qaadi doonaa amnigeena.” Sida laga soo xigtay Aftonbladet, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka.

Kremlin-ka ayaa horay uga digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii Sweden ay doorato inay ku biirto.


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip