"Maqaal" Doodda ah doorashada "hala hakiyo" W/Q: Faysal Kulane

0
Wednesday December 15, 2021 - 21:00:06 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maqaal" Doodda ah doorashada "hala hakiyo" W/Q: Faysal Kulane

    Feysal Yuusuf Kulane oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed isla markaana ah falaanqeeeye kuxeeldheer arimaha cakiran ee siyaasada Soomaaliya ayaa waxa uu qormadiisaan ku qaada dhigayaa sida uu u arko xal ka gaarida arimaha qilaafka iminka taagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Feysal Yuusuf Kulane oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed isla markaana ah falaanqeeeye kuxeeldheer arimaha cakiran ee siyaasada Soomaaliya ayaa waxa uu qormadiisaan ku qaada dhigayaa sida uu u arko xal ka gaarida arimaha qilaafka iminka taagan.
Doodda ah doorashada "hala hakiyo” si wax loo saxo ee ka imaaneeysa Midowga Musharixiinta waxaa gar ka dhigaya sida ay wax u socdaan oo baalmarsan inta badan waxyaabihii lagu heshiiyay kuwoodii ugu muhiimsanaa oo ay ka mid yihiin in Ciidamada iyo amniga aan la siyaasadeen qolo gaarana aysan ku tagri falin awooda dowlada ee dadkoo dhan ka dhexeeysa.

Nasiib daro waxaan wada aragnaa sida foosha xun ee kuraasta loogu boobayo saraakiishii Ciidanka ee halkii ay amniga musharixiinta si siman u sugi lahaayeen iyagu si cad awoodii ciidanka ugu saanyadeen kuraas aysan shuruudohoodii soo buuxin! Tusaalaha yaabka leh ee taariikhda baalka madoow ka galay ee sharcigana baalmarsan waxaa ka mid, Taliyaha ku meelgaarkaa ee hay’ada NISA oo ay aheyd inuu xilka wareejiyo 3 todobaad ka hor haddii uu damacay ka galay inuu u ordo xildhibaan. Waxaa kaloo yaab leh inuu wili isku sheeganayo taliyaha ciidanka nabad sugida iyo xildhibaan qaran oo uu soo boobay, iyadoo sida aan wada ognahay shaqsigii loo magaco taliyaha NISA haddii uu yahay xildhibaan sharci ah inuu luminayo xildhibaannimadiisa sidii taliye, ex-xildhibaan Sanbololshe!

Sidoo kale waxaan la hirgalin qodobkii lagu heshiiyay ee ahaa in la diyaariyo isla markaana lageeyo ciidamo isku dhaf ah goobaha doorashooyinku ay ka dhacayaan si loo helo amaan la isku wada haleeyn karo oo aysan u dhicin wixii Dhuusamareeb iyo Baydhabo ka dhacayoo kale.

Si horay loogu socdo qodobada lagu heshiiyana u hirgalaan waxaa lagama maar ah in Madaxweynihii hore waqtigu ka dhamaaday wilise carqalada muuqata ku haya habsami u socodka doorashooyinka in Villada laga soo saaro lagana joojiyo ku tagri falka hantida shacabka ee uu u isticmaalayo sida sharciga waafaqsaneen lana dajiyaa Hotel u dhamaw kuwa ay joogaan musharixiinta kalee la midka ah amnigiisana halkaa lagu ilaaliyo shartiisana la isaga ilaaliyo.


W/Q: Feysal Yuusuf Kulane.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip