Mareykanka oo markale si adag ugahadlay arimaha doorashada dalka.

0
Wednesday March 30, 2022 - 23:32:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo markale si adag ugahadlay arimaha doorashada dalka.

    Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa ku baaqay in la dadejiyo kuraasta dhiman dorashadooda ee Golaha Shacabka, islamarkaana ku harsan maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa ku baaqay in la dadejiyo kuraasta dhiman dorashadooda ee Golaha Shacabka, islamarkaana ku harsan maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Danjire Larry Andre ayaa bogaadiyay jadwalka dhaarinta ee ay dhawaan soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal kaasoo ku beegan 14-ka bisha soo socota ee April 2022, waxuuna dalbaday in waqtigaas la dhammeystiro doorashada kuraasta dhiman.

"Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kartaa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016-kii” ayuu yiri Danjire Larry Andre.

Safiirka Mareykanka ayaa intaasi ku daray in Washington ay taageereyso cid weliba oo daneyneysa xasiloonida iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo 26 Xildhibaan ayaa ka dhiman yihiin tirada guud ee Golaha Shacabka oo ka kooban 275 Xildhibaan, waxaana 16 kamid ah kuraasta dhiman ay yihiin kuwa doorashoodu taalo Garbahaarey, halka 10-ka kalana ay yihiin kuwa ku dhiman maamulka Hirshabeelle oo la filayo inudhawaan soo gabagabeeyo doorashada kuraasta 10-ka ah oo kala yaala magaalooyinka Baledweyne iyo Jowhar.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip