Wararki ugu dambeeyay Doorashada 16 Kursi Ee Ceelwaaq

0
Sunday April 17, 2022 - 16:57:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay Doorashada 16 Kursi Ee Ceelwaaq

    Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka, kuwaasoo barqanimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee loo wareejiyay Magaalada ceelwaaq iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu balan qaaday in Jubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.

 
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ku amaanay sida ay ugu fududeeyeen shaqada guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland,isagoo dhinaca kalena raja wanaagsan ka muujiyay in si nabdoon ay ugu soo dhamaato doorashada kuraasta Ceelwaaq.

Waxaa muuqata in isbedel kooban uu ku yimid jadwalkii guddiga doorashada Jubaland ay hore u soo saareen, qorshaha waxa uu ahaa in beri la doorto hal kursi, waxaase haatan jira warar sheegaya in mas’uuliyiintan ay talaadada tagi doonaan magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay qiimeyn doonaan goobaha doorashada.

 
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa 14kii April 2022 xaanshi uu soosaaray ku wareejiyay deegaan-doorashada labaad ee DG Jubbaland oo ahayd Garbahaarey kana dhigay Ceelwaaq "kaddib markii maamulka hoostaga Villa Somalia uu si toos ah u diiday in guddiyada howshaan u xilsaaran ay tagaan” sida hadalka loo dhigay.


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip