Wararki ugu dambeeyay dagaaladi Ukrein iyo walaac cusub

0
Sunday April 03, 2022 - 18:15:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay dagaaladi Ukrein iyo walaac cusub

    Weriyayaal galayay magaalo ku taal Ukraine oo dagaal qaraar ay kala kulmeen ciidammada Ruushka ayaa waxa ay heleen maydadka rag dhintay oo xiran dhar rayid ah oo daadsan waddooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weriyayaal galayay magaalo ku taal Ukraine oo dagaal qaraar ay kala kulmeen ciidammada Ruushka ayaa waxa ay heleen maydadka rag dhintay oo xiran dhar rayid ah oo daadsan waddooyinka.

Weriye u soo warrama wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan magaalada Bucha oo u dhaw caasimadda Kyiv, ayaa waxa uu tiriyay ugu yaraan 20 mayd. Ugu yaraan hal nin ayey gacmihiisa gadaal u xirnaayeen.

Ciidammada Ukraine ayaa todobaadkan dib u qabsaday magaalada iyadoo sawirradana ay muujinayaan burbur ballaaran oo halkaas gaaray.

Weriyayaasha BBCda oo ku sugan qeyb kale oo Ukraine ah ayaa waxa ay heleen maydka laba qof oo rayid ah oo ay dileen ciidammada Ruushka.

Digniin: Qaar ka mid ah akhristayaasha ayey suuragal tahay in xogta ku jirta warbixintan walwalka leh oo uu ku jiro sawirka hoos yaal

Horraantii todobaadkii tegay, weriyaha BBCda Jeremy Bowen iyo kooxdiisa ayaa waxa tiriyeen 13 mayd, kuwaas oo qaar ka mid ahi ay suuragal tahay inay yihiin askar Ukraine u dhalatay, oo maydadkoodu ay ku daadsan yihiin wadada u dhaxaysa tuulooyinka Mria iyo Myla.

Ukraine ayaa sheegtay in ciidammada Ruushka ay "aad dib uga guranayaan" magaalada Kyiv, iyadoo hal sarkaal uu sheegay in gobolka ku xeeran caasimadda ay dib u qabsadeen tan iyo markii uu duullaanku bilowday 24-kii Febraayo.

Duullaanka ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo uu haleelay dagaal culus iyadoo ugu yaraan afar milyan oo qof ay reer Ukraine ah ay qaxeen. Wadammada reer Galbeedka ayaa waxa ay arrintaasi uga jawaabeen cunaqabatayn ay ku soo rogeen Ruushka iyo saad milateri oo ay siiyeen Ukraine.

Saddex arrimood oo Turkiga uu ka faa'iiday dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Ciidamada Muslimiinta ah ee ku biiray dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa qiil u dayay weerrarkiisa isagoo ku dooday in Ukraine, oo ah dal hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeet uu ku jiro hammi ah inay ku biiraan Nato iyo Midowga Yurub, sidaas daraadeedna ay halis dhaw ku yihiin dalkiisa Ruushkuna uusan dareemayn "inuu bad qabo, horumari karo iyo weliba halis jiritaankiisa ah".

Magaalada Bucha, halkaas oo sawirqaade ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters uu sidoo kale duubay maydadka dad dhintay, guryo burburay oo ay duqayn ka muuqato iyo gawaari burburay oo waddooyinka ku gubtay.

Lix iyo toban ka mid ah 20-ka may dee ay aragtay AFP ayaa waxa ay yaalleen marshabiyeedka ama hareeraha waddooyinka. Saddex ayaa waxa ay dhex yaalleen wadada bartamaheeda, mid baa yaallay afaafka hore ee guri la burburiyay.

Baasaboor Ukraine ah oo furan iyo gabal dhar ah oo cad ayaa dhinac yaal qofka garbaduubka u xiran. Laba qof oo kale ayaa dhar cad waxaa loogaga xiray garbaha.

Digniin: Sawirka hoose ayey suuragal tahay in qaar ka mid ah akhristayaasha ay ka walwalaan

Sarkaal Ukraine u dhashay ayaa AFP u sheegay in ragga dhintay ay suuragal tahay inay ku dhinteen duqeynta amaba ay toogteen ciidammada Ruushka, booliska ayaase baari doona.

Hasayeeshee maayirka magaalada, Anatoly Fedoruk, ayaa AFP Khadka taleefanka ugu sheegay in dhammaan 20-ka maydba laga toogtay dhinaca dambe ee madaxa. Waxa uu intaasi ku daray in maydad kale ay weli ku hoos jiraan burburka gawaarida ay duqeyntu haleeshay.

Magaalada ayuu sheegay in lagu aasay 280 qof oo xabaal wadareed la galiyay arrintaas oo ka dhalatay duullaanka Ruushka

BBC
 
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip