Sirdoonka Qaranka oo gacanta kudhigay Shabakada cusub oo dadk baad ka qaadan jiray

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Qaranka oo gacanta kudhigay Shabakada cusub oo dadk baad ka qaadan jiray

    Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta shaacisay iney gacanta kusoo dhigtay koox ay sheegtay in dadka shacabka ah ku cabsi galin jirtay baraha Bulshada ee Internetka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta shaacisay iney gacanta kusoo dhigtay koox ay sheegtay in dadka shacabka ah ku cabsi galin jirtay baraha Bulshada ee Internetka.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in xayiraad la saaray Group-yo lambaro gaaraya 2,500, islamarkaana laga mamnuucay gabi ahaan iney isticmaalaan adeega ku hadalka OTT ee WhtasApp iyo wixii la mid ah.

NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Group-yadaan ay ahayeen kuwa baad looga qaadan jiray ganacsatada Soonaaliyeed oo ay lahayeen kooxda Al-shabaab.

"Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Hay'adda NISA ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay iney xubin ka noqdaan Group-yo, Channels ama Pages ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip