Shariif Sh: Axmed oo si kulul uga hadlay arin uu qaadan waayay.

0
Monday February 19, 2024 - 18:01:22 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Sh: Axmed oo si kulul uga hadlay arin uu qaadan waayay.

    Madaxweynihi hore ee Dowlada kumeelgaarka Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliil ujeediyay hanaanka shaqo ee Tv-ga qaranka, isagoo ku dhaliilay inuusan aheyn tv madax banaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihi hore ee Dowlada kumeelgaarka Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliil ujeediyay hanaanka shaqo ee Tv-ga qaranka, isagoo ku dhaliilay inuusan aheyn tv madax banaan.
Xildhibaan Shariif ayaa mar uu arintaa ka hadlayay yiri. "Hadal jeedintaydii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ugu hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo Xaaladda guud ee Amniga dalkeenna"

Mudane Shariif oo ah aftahan hadal yaqaan ah ayaa mar uu cabiraayay sida uu uga xunyahay talaabada TV-ga "Aragtidayda iyo dareenka shacabka ay qabaan in aan ka sheego Baarlamaanka hortiisa waa qodob dastuuri ah , balse warbaahinta qaranka ee la rabay in ay noqoto indhaha ay bulshadu wax ku aragto, lagu saxo dowladnimada, u sinnaadaan masuuliyiinta, mucaarad iyo muxaafid ayaa maanta laga baahin waayay aragtidayda"

Shariif oo su'aal isweydiiyay ayaa markale yiri "Ma aqaan sababta keeni karta tallaabadan is hortaagga ah . Laakin tani waxay billow u tahay waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida Xildhibaanka iyo tan siyaasiga"

Ugu dambeenti qaraalka cabashada ah ayuu shariif kusoo gunaanaday Maah maah. "Biyo dhul lagu arag lagana dhoor".

Hadalka Madaxweynihi hore ee Shariif ayaa kusoo aadayo xili ee socdaan doodo xasaasi ah oo kajira gudaha Baarlamaanka kuwaasi oo la xiriiro arimaha wax kabadalka dastuurka kumeel gaarka ah oo mudo aad ufog aan wax kabadal lagu sameenin.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip