Siyaasi si qotodheer uga hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

0
Friday February 23, 2024 - 15:36:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi si qotodheer uga hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

    Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doodda ka dhalatay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doodda ka dhalatay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo Arbacadii uu ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayada oo isla maalintaasi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu deg-deg ugu meel-mariyay kulan uu ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh.

Heshiiskan ayaa waxaa dood ka keenay Xildhibaannada qaar, oo ayagu Arbacadii si aqbaliyad ah u meel-mariyay heshiiska, kuwaasi oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay in aysan la wadaagin nuqulka heshiiskaasi.

Xildhibaannadaasi ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu sheegay in madaxweyne Xasan ay ku aamineen wixii uu baarlamaanka hortiisa uga sheegay heshiiska, balse uusan nuqulka heshiiska mudaneyaasha la tusin, ayna qaadatay qiirada difaaca baddeena, sidaasna ay ku ansixiyeen heshiiska difaaca ee Turkiga kula wareegayo ammaanka badda Soomaaliya.

Cosoble oo u jawaabaya Xildhibaannada doodda ka keenay heshiiska, xilli uu si rasmi ah meel-mar u noqday ayaa waxa uu sheegay in mudaneyaasha BF aysan qasab aheyn in lala wadaago sirta qaranka, si aysan dibadda ugu bixin, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaannada ayuu ku weeraray in aysan faham durugsan u laheyn laba qodob oo uu ku sheegay mucaaradnimada iyo sirta qaranka ilaalinteena.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip