Qalalaase kuyimid hawada Soomaaliya

0
Wednesday February 21, 2024 - 01:23:11 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalalaase kuyimid hawada Soomaaliya

    Hay'adda Duulista Rayidka ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku eedaysay mas'uuliyiinta hawada ee Somaliland inay carqalad ku hayeen duulimaadyada maraya hawada tan iyo bishan Febraayo 11-keedii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Duulista Rayidka ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku eedaysay mas'uuliyiinta hawada ee Somaliland inay carqalad ku hayeen duulimaadyada maraya hawada tan iyo bishan Febraayo 11-keedii.

Hay’adda ayaa taallabaooyinkaas ku tilmaantay "fal-dambiyeedyo” ka dhan ah shuruucda duulimaadyada, sida hadalka loo dhigay. Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga duulimaadyada haddii ay carqaladdaasi sii socoto.

Dhinaca kalena, Somaliland ayaa sheegtay in tan iyo 12-kii Feberaayo ay hay’adda duulista hawada iyo garoomada ee Somaliland qaaday tallaabooyin ay kaga hortagayaan xadgudub ay ku eedeeyeen in dawladda federaalka ee Soomaaliya ay ka waddo hawada Somaliland, taasoo ay sheegeen inay ahayd siyaasiyadaynta duulimaadyada rayidka iyo ka bixitanakii heshiisyadii ay horey labada dhianc u galeen.

Waxay ku eedaysay dawladda Soomaaliya inay doonayso inay qaaddo tallaabadii ugu damabysay ee naf la caari ah, waa sida hadalka loo dhigaye, oo ay ku doonayso inay soo saaraan amar ay ku doonayaan inay ku sheegaan in garoomada Somaliland ay xiran yihiin.



Voa
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip