Musharax Xildhibaan 'HOP106' Cabdisalaan Qoorey oo kahadlay Collaada Burdheere farina udiray Hirshabeele.

0
Tuesday November 09, 2021 - 16:26:08 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Xildhibaan 'HOP106' Cabdisalaan Qoorey oo kahadlay Collaada Burdheere farina udiray Hirshabeele.

    Musharax xildhibaanka Cabdisalaan Maxamed Cali (Qoorey) oo ah musharax utaagan Golaha shacabka Soomaaliya sumadiisuna tahay Hop 106 ayaa kahadlay dhibaatada ka jirta Degmada Cadale gaar ahaan tulada Burdheere oo ah deegaan kamid ah deegaanada oo mush

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax xildhibaanka Cabdisalaan Maxamed Cali (Qoorey) oo ah musharax utaagan Golaha shacabka Soomaaliya sumadiisuna tahay Hop 106 ayaa kahadlay dhibaatada ka jirta Degmada Cadale gaar ahaan tulada Burdheere oo ah deegaan kamid ah deegaanada oo musharaxa kumatali doono golaha shacabka ee Soomaaliya.


Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay, ’Dadweynaha reer Cadale waxaan ugu baqayaa in lajoojiyo collaada soo noq noqatay taasoo mudo 5 sano iyo kabadan kajirtay Tuulada Burdheere/Koogaar’-

Mudanaha ayaa sidoo kale sheegay in colaadaani ee geesatay dhibaato lixaad leh taasi oo ubaahan gurmad caalamai ah lala soo gaaro dadka dadki dhibaatada soo gaartay si ee dib uga soo kabsadaan dhibkaasi.

Mudane Cabdisalaan ayaa sidoo kale tilmaamay in horaanti sanadkaan ee jirtay heshiis lagu gaaray magaalo madaxda Hirshabeele ee Jowhar taasi oo ee goob joog ka ahaayeen beelihi dirirtu udhaxeysay iyo maamulka Hirshabeele hasa yeeshe ayuu yiri mudane Cabdisalaan ‘illaa iyo hada wax natijo oo lataaban karo kama soo bixin heshiiski Burdheere’

Musharax Cabdisalaan ayaa waxa uu ugu dambeynti udiray baaq guud oo ku wajahan dhamaa dhinacyada ee quseyso.
BAAQ Kusocda :

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan iyo Mudane Axmed Faal
Xildhibaanada Qaranka iyo kan Federaaalka ee kasoo jeedo deegaanadaan.
Wasiirada dowlada dhexe iyo kan Federaalka ee kasoo jeeda deegaanadaan.
Culimada, Dhaqanka iyo waxgaradka deegaanadaani oo u horeeyaan Imaamka, Ugaaska, iyo Malaaqa.



Shabakada Warsheekh Muqdisho


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip