Xildhibaannada Wacaysle Hirshabeelle haloo Xawilo

0
Wednesday November 24, 2021 - 00:37:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 592
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Wacaysle Hirshabeelle haloo Xawilo

    Soomaalidu Federaalka sanka mudka ah waxaa loogu doorey in ay kala degto oo ay beel weliba nabad iyo xasilooni ku noolaato, maamulkeeda iyo danaheedana u madax bannaanato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu Federaalka sanka mudka ah waxaa loogu doorey in ay kala degto oo ay beel weliba nabad iyo xasilooni ku noolaato, maamulkeeda iyo danaheedana u madax bannaanato.


Isku sidig ay diideen degmooyinka Jariiban iyo Goldogob ayaa ahaa in aysan Hawiye waxba la qaybsan.
Sidaa si la mid degmooyin badan oo kale ayaa beelo badan xildhibaannadooda geysteen deegaamada ay awood ku leeyihiin ama tolkood ku badan yahay. aan meel dhaw kaa tuso.

Beesha Cayr waxa ay leedahay Afar xildhibaan iyo Laba Degmo, Labada degmo midbaa Hirshabeelle ah oo waa Matabaan, haddana ma jirto cid tartan ka soo gashaa ee waxaa xildhibaannada beesha Cayr lagu doortaa Dhuusamareeb iyo Guriceel oo aan degmo ahayn, sidaa awgeed in Xildhibaannada Wacaysle lagu doorto Hirshabeelle cid u diidaysaa ma jirto, waayo waa arrin haddaba jirta.

Xildhibaannada Soomaaliland waxaa lagu doortaa Xamar maxaa yeelay kooxda meteshaa awood uma laha in ay soomaaliland tagaan ama ka dhex ololeyaan sidaa awgeed Federaalku waxa u jideeyey in Xamar ay isku doortaan. Haddaba haddii aysan beeshu ka dareensanayn Dhuusamareeb ma jiro sharci iyo xeer u diidaya in ay meel kale geystaan kuraastooda waanna gar in beel weliba halkay wax ku dooran karto geysato, Wacayslena kuma qasbana Galmudug.

Beesha Dhulbahante waxa ay deegaan ahaan ka tirsan yihiin Somaliland, Xildhibaannadooda waxaa lagu doortaa Garoowe, oo dhanka dhalashada ayay mareen sidaa awgeed, Wacaysle waa inuu xero Abgaal oo uu ku kalsoon yahay laguna jujuubi kareyn wax ku qaybsadaa waxna la qaybsadaa.
Beesha Direed, Ninka la yidhaahdo Cawad waxa uu markii hore ka soo galay Garoowe oo Puntland ah, markuu arkay in uusan u madax bannaaneyn kursigiisana Galmudug ayuu u xawishay, Federaalka intaas oo dhan oggolaaday ma qabo inuu Wacaysle ku sanduleyn karo Qoorqoor iyo Galmudug.
Beesha Wacaysle labaa u furan in ay Afarta sanno ee soo socota noqdaan Baarlamaanka 11aad Xildhibaan la'aan iyo in ay talo mideysan ku wajahaan maanta kana soo horjeestaan, dhaqan xumada Qoorqoor.

Xildhibaannadu kama tartamayaan degmooyin umana tartamayaan Xisbiyo ee waxa lagu dooranayaa magac beeleed, beelina beel kale xildhibaankeeda go'aan kama gaadhi karto.

Dadka qaar ayaa leh, haddii isla xildhibaan beesha ah la dooranayo maxaa ku jaban? Waxaa ku jaban wax aad leedahay haddii inta laguu awood sheegto lagugu maamulo, waa waxii soomaali shalay ku kala tagtay kuna dirirtey.

Beel dhan oo joogta ayaa waxaa lagala wareegay, Ergadeedii, waxaanna xildhibaannadeeda dooranaya beelo kale iyo dad awr kiraale yaal ah oo lacag qaatay.

Dhuusamareeb waxaa laga furey dugsi cusub oo Abtirsiimada Wacaysle lagu barayo rag iyo haween uruuris ah si ay u noqdaan Ergadii Madaxa duubnayd.

Isku soo wada duub, ninkii xoolihiisa beesha kaga soo dhexbaxa ee beeshu doorato sida Caddoow Cali Gees nasiibkiis, Ninkii xiniinyihiisa ku soo baxana nasiibkiis, Ninkiise xoog iyo xeelad Qoorqoor ku yimaad, Durbaanka uu xaday halkuu ku tumi lahaa baa laga rabaa.

W/Q: Abwaan Galeyr.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip