Ogow sababta Mooshinka looga gudbiyay Madaxweynaha Hirshabeelle

0
Saturday October 06, 2018 - 08:47:36 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogow sababta Mooshinka looga gudbiyay Madaxweynaha Hirshabeelle

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay Mooshin ka gudbiyeen Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay Mooshin ka gudbiyeen Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xidlhibaanada ayaa Mooshinka ka dhanka Madaxweyne Waare u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed iyo labadiisa ku xigeen.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen in Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Madaxweyne Waare ay gaarayaan ilaa 57 mudane,isla markaana laga aqbalay.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen in sababta Mooshinka ay uga gudbiyeen Maxamed Cabdi Waare ay tahay inuu gabay Shaqadiisa,isla markaana uu ku mashquulay arrimo kale oo aan quseyn Hirshabeelle.

Maxamed Cabdi Waare oo ah Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa hadda waxa uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu ka soo laabtay Shirkii dhawaan Magaalada Kismaayo ay ku yeesheen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip