Madaxweynaha Hirshabeelle oo amray in la baaro dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne

0
Monday February 07, 2022 - 20:06:35 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hirshabeelle oo amray in la baaro dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne

    Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka amniga guud oo ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka amniga guud oo ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shirka amniga ee ka dhacay Baledweyne ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Magaalada Baledweyne, Wasiirka amniga Hirshabeelle taliyeyaasha ciidamada qeybta 27-aad, taliyaha ciidanka Booliiska Hirshabeelle, taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka gobolka, taliyaha qeybta Booliiska, Saraakiisha ciidamada Haramcad iyo Gorgor, Xeer ilaalinta Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka.

Taliyeyaasha iyo Saraakiishii ka qeyb gashay kulanka ayaa madaxweynaha Hirshabeelle waxay warbixin ka siiyeen xaalada guud ee amniga gobolka Hiiraan, gaar ahaana magaalada Baledweyne.

Kulanka ayaa waxaa si weyn loogu lafa guray wax ka qabashada amaanka Baledweyne oo lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana la faray laamaha amaanka degmada Baledweyne in baaritaano hub aruurin ah laga sameeyo dhamaan afarta xaafadood ee magaalada.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale faray saraakiisha amaanka iney xoojiyaan amaanka guud ee magaalada Baledweyne, waxaana kulankaan uu noqonaya kii ugu horeeyay ee uu madaxweynaha Hirshabeelle ku shir guddoomiyo gudaha magaalada Baledweyne mudadii sanadka iyo dheeraadka aheyd oo uu Hirshabeelle ka yahay madaxweynaha, xili shalay si xoog ah lagu geeyay Baledweyne.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip