Faah-faahin Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar

0
Sunday April 17, 2022 - 16:57:12 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay duuleedka Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay duuleedka Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo la qaraxday gaari ay saarnayeen ciidamo ilaalo u ahaa kolanyo gaadiid ah oo kusii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada jowhar, waxaana kolanyada la galbinaayay ka mid ahaa xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Fedaraal oo lagu magacaabo Mahad Cumar Cabdi iyo siyaasiyiin kale oo kor joog ka ahaa doorashada Jowhar ka socota.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxaasi miino ay ku dhinteen laba askari oo la sheegay iney ka mid ahayeen ilaalada galbineysay kolanyada gaadiidka ah ee kusii jeeday garoonka Maxamed Dheere, si ay ugu safraan magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa gaaray daqiiqado kadib goobta uu qaraxa dhacay, waxayna goobta kasoo qaadeen meydka labada askari ee goobta ku geeriyootay iyo burburka gaarigii qaraxa qabsaday.

Qaraxaan goordhaw ka dhacay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar ayaa noqonaya kii sadaxaad oo noocaan oo kale ah oo halkaasi ka dhaca islamarkaana geysta khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana qaraxaan uu imaanaya xili magaalada Jowhar ay weli ka socota qabashada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ku harsan Hirshabeelle.


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip