Faah-Faahinta qaraxi Baladweyne oo ee kasoo baxeen warar dheeri ah

0
Saturday February 19, 2022 - 20:55:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-Faahinta qaraxi Baladweyne oo ee kasoo baxeen warar dheeri ah

    Waxaa isa soo taraya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarax Ismidaamin ahaa oo duhurnimadii Maanta ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taala dhabarka dambe ee xarunta Maamulka gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isa soo taraya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarax Ismidaamin ahaa oo duhurnimadii Maanta ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taala dhabarka dambe ee xarunta Maamulka gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo uu fulyay ruux naftii halige ah oo isku soo xiray Jaakada waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu isku dhex qarxiyay Maqaayada gudaheeda xili mashquul aad u farabadan uu ka jiray gudaha maqaayada oo ay shir ku dhex lahayeen mid ka mid ah beelaha dega gobolka, waxaana sidoo kale ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, Musharaxiin Xildhibaano, Wariyeyaal iyo dad kale oo shacab aha.

Bashiir Cadaan oo ah sarkaal ka tirsan Booliiska Baledweyne oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa sheegay iney xaqiijiyeen dhimashada 13 ruux iyo dhaawaca 14 kale, balse wararka madaxa banaan ayaa sheegaya in khasaaraha dadka ku dhintay Ismiidaamnta iney gaareyso ilaa 18 ruux oo isugu jira masuuliyiin, Musharaxiin Xildhibaan, iyo dadkale oo shacab ahaa, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 20 ruux.

Qaar ka mid ah dadka Maanta ku dhintay qaraxa Ismiidaaminta ahaa oo magacyadooda la helay ayaa kala ahaa Nabadoon Qorane Axmed, Nabadoon Axmed Xusen Xiireey, Maxamed Cismaan Food Cade, Axmed Duwane Siilaanyo, Cabdirashiid Sheekh Cali oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Maxamed Cabdullaahi Abtiyow oo ahaa Musharax Xildhibaan, Dayib Qorane oo ahaa Musharax Xldhibaan, Cabdiraxmaan Kenyaan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Baledweyne, Mustaf Cabdirashid oo ka mid ahaa bahda Caafimaadka iyo dadkale oo aanan wali magacyadooda la helin.

Qaraxaan ayaa dhacay xili magaalada Baledweyne lagu wado in maalnta berito ah ay ka dhacdo doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne, islamarkaana uu ku jiro kursi u u tartamayo Fahad Yaasiin La taliyaha amniga madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip