Waa kuma Sheekh Maxamuud Sibriye?

0
Thursday April 15, 2021 - 17:59:06 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Sheekh Maxamuud Sibriye?

    Maamulka iyo dhamaan shaqaalaha shabakada warsheekh waxey dhambaal tacsi ah halkaan uga dirayaan dhamaan ehelka, qaraabada iyo umada Soomaaliyeed in sammir iyo iimaan eebe kasiiyo geerida naxdinta laheed ee kutimid Sheekh Maxamuud SIbriye isla markaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka iyo dhamaan shaqaalaha shabakada warsheekh waxey dhambaal tacsi ah halkaan uga dirayaan dhamaan ehelka, qaraabada iyo umada Soomaaliyeed in sammir iyo iimaan eebe kasiiyo geerida naxdinta laheed ee kutimid Sheekh Maxamuud SIbriye isla markaana waxa alle uga baryeeynaa inuu Alle ku casuumo janatul Fardowsa aamiin.

Sheekh Maxamuud sibriye waxa uu ahaa sida in badan oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ka dharagsanyihiin Sheekh, Xaaji, Ganacsade, sama fale caan ku ahaa uqidmeynta iyo xoojinta diinta Islaamka isagoo tusaale muuqda ka ahaa kaqeyqaadashada ficil kasta oo diini ah oo lagu nooleynaayo diinteena Islaamka sida dhisida masjidyada, quudinta iyo sadaqa siinta dadka masaakiinta ah, Maslaxa dhax dhigida umada.

Sheekh Maxamud ayaa waxa sidoo kale si aad ah loogu xasuusan doonaa sida uu uga qeyb qaadan jiray gogol walba oo lagu heshiisiinayo dad uu dhax maray qilaaf isagoo si aad uweyn hormuud uga noqday dibuheshiisiin lagu baajinayo dagaalo dhiig kudaatay ama lagu joojiyay dagaal dad badan kudhinteen isagoo maalkiisa had iyo jeer u adeegsan jiray hantidiisa sida uu umada masaalixdooda uga shaqeyn lahaa.

Waxa uu ahaa mid uu mid dhiiran gacantiisa aqoonin in lalaabo inuu wax bixiso maahine. Dhamaan inta la macaamishay ama nolol la wadaagtay waxa ee ka markaati kaceen inuu ahaa ugar gaare inta dhiban mar walbana wax ka bixiyo deeqa eebe udhiibay.

Sheekh Maxamud waxa uu sidoo kale ahaa ganacsade aad uweyn oo aad looga dhaqaano dhamaan gobolada dalka Soomaaliya, waxa uuna ahaa tusaale mar walba ee kudaydaan ganacsatada kale.

Qofka ahlu kheyrka ah waa midka ee umada isla qiraan wanaagiisa sheekhana waxa urajeyneenaa inuu eebe ka dhigo kuwa oo raaliga ka noqday.
Dhimashadu waa xaq waana mid ee naf waliba dhadhamineyso, hasa yeeshee dhimashada Sheekha waa mid aad utaabatay dhamaan umada Soomaaliyeed waxana leenahay Inaa lillaahi wa Inaa ileehi Raajicuun.

Shabakada Warsheekh.com



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip