Wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu xukumay 2-Sano oo Xabsi ah

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu xukumay 2-Sano oo Xabsi ah

    Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta oo Talaado ah ku xukuntay labo sano oo xarig ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu shil gaari ku dilay darawal mooto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta oo Talaado ah ku xukuntay labo sano oo xarig ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu shil gaari ku dilay darawal mooto.

Si kastaba ha ahaatee, xukunka ayaa isla markiiba loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 oo lacagta Turkiga ah oo u dhiganta $900, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Turkiga.

Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la sheegay in uu todobaadkii hore ku laabtay dalka Turkiga si uu u hortago maxkamadaynta kiiskiisa. Balse xilliga uu xukunka dhacayay ma uusan joogin maxkamadda gudaheeda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa doonayay in wiilka madaxweynaha Soomaaliya lagu xukumo ilaa lix sano oo xarig ah.

Hase ahaatee, xukunka xabsiga oo loo beddelo ganaax lacageed ayaa xilliyada qaar ka dhaca nidaamka garsoorka Turkiga.

Sidoo kale, maxkmaadda ayaa shatigiisii wadista baabuurta ee Turkiga kala noqotay muddo lix bilood ah.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip