Madaxweyne Deni oo siyaasad cusub lasoo baxay

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo siyaasad cusub lasoo baxay

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu magaalada Garowe dhigay gogol looga tashanayo marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kasoo qeyb galayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu magaalada Garowe dhigay gogol looga tashanayo marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kasoo qeyb galayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Deni ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Xasan Sheikh uu aqbalay kasoo qeyb galka gogoshaan, isagoo sheegay inuu rajeynayo in gogashaas ay kasoo baxaan waxyaabo miro dhal ah oo looga gudbo arrimaha dalka kusoo wajahan.

Deni wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay diyaarinayso ajandihii gogashaas loooga arrinsan lahaa.

Wuxuu sheegay, dhawaan shir ay Garowe ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada iyo raysal wasaarayaashii hore ee dalka in la isku waafaqay in marxaladaha dalku marayo looga gudbo sida wadajir ah.

Madaxweyne Deni oo dhawaan dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland ayaa hoos u dhigay khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka.

Wuxuu haataan u muuqda mid ka shaqeynaya in heshiis siyaasadeed laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip