Xaalada Qilaafka dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo faraha kabaxay

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Qilaafka dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo faraha kabaxay

    Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Ethiopia in ay isku dayday in ay carqaladeyso wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud oo ka qeyb galayay Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Ethiopia in ay isku dayday in ay carqaladeyso wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud oo ka qeyb galayay Shir Madaxeedka Midowga Afrika.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore u sheegay in askar hubaysan ay hoteelkiisa joogeen. Wuxuu intaa ku daray in ay noqotay inuu soo raaco gaadiidka madaxda kale ee shirka ka qayb galaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay BBCda ayaa sheegay in ciidamo hubeysan ay is hortaageen isagoo doonayay inay galo xarunta Midowga Afrika ee shirku uu ka socday.

"Saaka markii aan isku diyaariyey in aan imaado kulanka albaabadu u xiran yihiin ee shir madaxeedka, ciidanka amaanka ee Itoobiya ayaa is hortaagay halkii aan mari lahaa. Waxay ii diideen in aan hoteelka ka soo baxo, oo aan gaadiidkeyga ku aado halka uu shirku ka dhacayey.
Qoraal ay soo saartay dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay falka ay Itoobiya ku kacday mid aan diblumaasiyad ahayn.

 

"Ficilladan waa kuwo burinaya dhammaan hab maamuuska diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, iyo dhaqammada Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip