Itoobiya oo marki ugu horeesay si dabacsan uga hadashay damaceeda Bada.

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo marki ugu horeesay si dabacsan uga hadashay damaceeda Bada.

    Ayadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii isafgarad ee 1dii Janaayo ay Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa soo baxaya hadal cusub oo u muuqada in Itoobiya ay si ka duwan sidii hore u wajahayso arrintaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii isafgarad ee 1dii Janaayo ay Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa soo baxaya hadal cusub oo u muuqada in Itoobiya ay si ka duwan sidii hore u wajahayso arrintaas.

La taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa bartiisa X (Twitter) ku soo qoray qoraal u muuqda in Itoobiya ay ka hadlayso halka ay ka taagan tahay arrinta madax banaanida Soomaaliya iyo duurxul ku socda Masar oo Soomaaliya ugu yaboohday garab istaag milateri, ayadoo Masar iyo Itoobiyana ay ka dhaxayso xurguf ka dhalatay biya xireenka weyn ee Itoobiya ay dhawaan dhisatay.

Redwan Xuseen wuxuu bartiisa X ku qoray "ka go’naanshaha Itoobiya ee nabadda iyo amaanka Soomaaliya waxaa lagu muujiyey dhiigga iyo dhididka wiilasheena iyo gabdhaheenna qiimaha leh. Itoobiya iyo Soomaaliya deris soohdin wadaaga kaliya ma aha, laakin waa dalal isku bah ah oo wadaaga luqad, dhaqan iyo dad. Xiriirka isku keen haya waa mid xoog leh. Himiladeennu waa mid isku xiran oo aan la kala saari karin. Heshiiska is afgarad ee Somaliland aan la yeelanay waa mid iskaashi iyo bahwadaag, kaasoo Itoobiya marin u siinaya badda marka xagga ganacsiga laga hadlayo. Ma aha in aan dhul ku darsanayno ama in loo qaato madaxbanaanida dhuleed ee waddan”.

Maxaa ku dhacaya jirkaaga markaad joojiso cabista qaxwaha ama aad yareyso22 Jannaayo 2024
Rag dumar u doontay dal dibadda ah oo dabin ku dhacay kadibna la dilay21 Jannaayo 2024
Hadal ka farxiyey Soomaaliya kana 'xanaajin' doona Ethiopia oo ay maanta ku dhawaaqay Masar21 Jannaayo 2024
Abiy Axmed iyo Muuse Biixi

Wuu sii waday qoraalka isagoo ka hadlaya dalal kale oo uusan magacaabin laakinse loo arko in uu si sarbeeban ugu jeedo dalalka Soomaaliya taageerada u muujiyey. "Walow ay taasi xaqiiqada tahay, jilayaasha qaar oo aan taageero sidaa u weyn siin Soomaaliya xilligii ay baahida weyn qabtay ayaa hadda iska dhigaya saaxiibbo dhab ah, laakinse waxa dhiirri galinaya ma aha xiriir saaxiibtinimo, laakinse waa cadawnimo ay u qabaan Itoobiya. Ajendahoodu ma aha nabad iyo amni ka hirgala geeska Afrika. Si taas ka fog, waxay doonayaan inay abuuraan xiisad iyo fowdo. Xiisad abuurka aan iminka arkayno wuxuu uga sii darayaa xiisadda, wuxuuna u danaynayaa danta jilayaasha dibadda ka jooga ee danaystayaasha ah” ayuu yiri.

Wuxuu ku celiyey baaq aan cusbayn oo ah in Itoobiya ay jeceshahay in deriskeda ay wadahadal la yeelato "ayadoo aragtidu tahay isdhexgal heer goboleed".
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip