Itoobiya oo mar qabsaday Degmada Balcad (Taariikh Hore)

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo mar qabsaday Degmada Balcad (Taariikh Hore)

    Boqol sano ka hor markii ay Itoobiya qabsatay Balcad iyadoo ku socota xeebaha Banaadir Dhammaan xukunnadii soo maray Itoobiya, waxa ay weligoodba ku taami jireen inay xaqiijiyaan inay gacanta ku dhigaan Badda Cas ilaa iyo Badweynta Hindiya. Riyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqol sano ka hor markii ay Itoobiya qabsatay Balcad iyadoo ku socota xeebaha Banaadir Dhammaan xukunnadii soo maray Itoobiya, waxa ay weligoodba ku taami jireen inay xaqiijiyaan inay gacanta ku dhigaan Badda Cas ilaa iyo Badweynta Hindiya. Riyadaas, waxay ahayd mid ay ku soo haminayeen dhammaan boqorradii soo maray xukunka Itoobiya ilaa xilligii dhexe.


Qalabkii ay Itoobiya addegsan jirtay oo dhawaan la helay

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED XAAJI INGIRIIS

Qoraalka sawirka,

Qalabkii ay Itoobiya adeegsan jirtay ee dhawaan la helay

Maxamed Xaaji Ingiriis

King's College, London

Hamigaas, wuxuu aad u soo xoogeystay xilliga afka Amxaariga looga yaqaanno Zamana Masafent (Xilliga Amiirrada), oo ku aaddanaa sannadihii 1769 illaa iyo 1855-kii. Waa xilli taariikhda Itoobiya ay xusto inuu ahaa xilli mugdi ah, waxaana daraasad qoto dheer ka qoray professor geeriyooday oo u dhashay Israa’iil, laguna magacaabi jiray Mordechai Abir. Buuggiisa, waxaa lagu magacaabaa Ethiopia: The Era of the Princes: The Challenge of Islam and the Re-Unification of the Christian Empire 1769-1855. Waxaa la daabacay sannadkii 1968-kii.

Si kastaba, xilligii Zamana Masafent, waxaa socday fowdo iyo middiyaha oo la iska aslo, si loo gaaro awoodda xukunka Itoobiya. Niman dagaal-oogayaal ah ayaa ka soo dhex baxay dhulka Xabashida, gaar ahaan dhulka ay deggan yihiin Amxaarada iyo Tigreega. Waxay nimankaasi ku tartamayeen inuu mid walba noqdo boqorka boqorrada, oo ah kan xukumaya boqortooyada Itoobiya, ee fariisanaya caasimaddii boqortooyada Itoobiya ee xilligaas, oo ahayd Gondar.

Culeyska ugu weyn ee tartanka dagaalku wuxuu billowday markii ay Amxaarada iyo Tigreegu dareemeen in awooddoodii taariikhiga ahayd ay la wareegeen niman odayaal u badnaa, oo gobollada maamuli jiray, oo u dhashay qowmiyadda Oromada. Waxaa nimankaas ugu cuslaa Ras Ali, Ras Cali Gaas iyo Ras Gugsa.

Zamana Masafent, wuxuu soo gaba-goobay markii uu soo baxay nin burcad ahaa oo isbaariiste ahaan jiray, oo la oran jiray Kassa Hailu, oo markii dambe magaciisa u beddelay Tewodros II. Ninkaas ayaa ka wada guuleystay dhammaantood, wuxuuna isu caleemo saaray boqorka Itoobiya. Isaga oo aan awood badan lahayn ayaa wuxuu ku hamiyey inuu qabsado illaa iyo magaalada Quddus. Wuxuu is-dilay 13-kii bishii April, sannadkii 1868, markii ay gumeysiga Ingiriisku kaga soo duuleen Hindiya, iyagoo soo maray Eritrea, uguna tagay qasrigiisii, si ay uga sii daayaan ergo u dhalatay Ingiriiska, oo uu halkaas ku afduubtay.

Qalabkii la helay ee Itoobiya ay adeegsan jirtay

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED XAAJI INGIRIIS

Inkasta oo uu halkaas ku soo gaba-gaboobay xilligii Zamana Masafent haddana waxaa sii socday tartanka loogu jiro boqorka boqorrada Itoobiya, waayo Tewodros weli waa lagu sii haystay xukunka. Markii dambe, waxaa si xeeladeysan ugu guuleystay inuu boqorka boqorrada noqdo Menelik II.

Si ka duwan sidii Tewodros, oo ku hamin jiray inuu qabsado ummadaha ku nool dhulalka Itoobiya ka xiga dhanka waqooyi, wuxuu Menelik hamiyey inuu qabsado ummadaha ku nool dhulalka Itoobiya ka xiga dhanka bariga, koonfur galbeed iyo koonfurta. Wuxuu markii dambe u soo dhaqaaqay Harar, ka dibna Jigjiga, isagoo isla markaana ciidamo u diray dhulka Oromada iyo dhulka ummadaha koonfureed iyo ummadaha koonfur galbeed ee xadka Suudaan.

Wixii ka dambeeyey bishii January sannadkii 1887-kii, ka dib markii uu xaqiijiyey riyadiisii ahayd inuu qabsado magaalada Harar, oo ahayd xaruntii caasimadda iyo saldhigga u ahayd boqortooyooyinkii Islaamka Geeska Afrika ee qarniyadii dhexe, Menelik wuxuu ku haminayey in maalin uun uu xoog ku qabsado meel ka mid ah xeebaha Soomaalida. Boqorka Itoobiya, ma kala jecleyn haddii xeebtaasi la qabsanayo ay noqonayso dhanka waqooyi, waqooyi galbeed, bari, koonfur bari ama koonfurta Soomaaliya.

Dhibka haystay wuxuu ahaa mid la xiriira joqoraafiga iyo hawada, waayo dhulka Soomaalidu wuxuu u badan yahay dhul saxare-xigeen ah, oo oomane ah, oo hawaduna kulushahay. Waxaa xilligaas adkeyd inuu ciidan cadow ah ku soo dhex lugeeyo. Sidaas awgeed, ciidanka Itoobiya inay soo gaaraan badda cas ayaa uga sahlaneyd marka loo eego inay soo gaaraan badweynta Hindiya. Hase yeeshee, waxaa badda cas fadhiyey gumeysigii Faransiiska iyo Ingiriiska. Sidaas darteed ayuu Menelik sameeyey isku day qar-iska-tuurnimo ah, oo uu ku beegsanayo xeebaha gobolka Banaadir, si uu u soo gaaro badweynta Hindiya.

Sannadku markuu ahaa 1908-dii ayuu ciidamo u soo diray inay gaaraan xeebaha Banaadir. Ciidamadaas, waxay ka soo dhaqaaqeen Jigjiga, waxayna yimaaddeen aagga webiga Shabeelle, iyagoo soo raacay hareeraha webiga ayay yimaaddeen magaalada Balcad. Meel kasta oo ay soo mareen, waxaa dagaal kala hor-yimid dadkii Soomaalida ee deggenaa, oo ay sida ay taariikhdu dhigayso ay keceen dhac, boob iyo xasuuq.

Mushkiladda taagneyd waxay ahayd dadka Soomaalida oo aan u hubeysnayn sida ay u hubeysan yihiin ciidanka Itoobiya, sababtuna waxay ahayd iyadoo gumeysiga reer Yurub uusan u ogoleyn in wax hub ah ay haysan karaan dadka Soomaalida, taas oo ku saleysnayd cabsi la xiriirta haddii Soomaalidu ay hub helaan inay iska dul-qaadayaan gumeysiga.

Balse hub la’aantu kama suulin dadka Soomaalida inay diidmo kala hor yimaaddaan ciidanka Itoobiya ee u socda inay Itoobiya isku soo ballaariso dhulka iyo xeebaha Soomaalida. Iyaga oo kula dagaallamaya waran iyo qaansooyin ayay daciifiyeen awooddii ciidanka Itoobiya ay ku gaari lahaayeen xeebaha Banaadir.

Qalabkii la helay ee ay Itoobiya adeegsan jirtay

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED XAAJI INGIRIIS

Ciidanka Itoobiya ee yimid Balcad waxay soo gaareen halkaas iyaga oo lagu soo rafaadiyey dariiqa dheer ee webiga ku teedsan ee ay soo raaceen. Haddaba, dadka deegaanka ayaa goor habeen ah u isticmaalay xeelad cusub oo dagaal. Waxay meel walba ka shideen dab, si ay ugu muujiyaan in dhanka magaalada Muqdisho ay ka jiraan ciidan fara badan oo aysan u babac dhigi karin. Shidista dabka faraha badan ka dib ayay xeradoodii ku weerareen, taasoo kalliftay inay ciidanka Itoobiya halkaas dib uga noqdaan.

Waxaa magaalada Balcad laga helay oo weli yaalla qalab isugu jira silsilado, ulo biro ah oo kala duduwan iyo calaamado diinta Masiixiga, oo la rumeysan yahay inay ahaayeen qalabkii ay halkaas uga carareen habeenkii dabka lagu shiday. Qalabkaas ayaa muhiim u ah in la dhigo Matxafka Qaranka Soomaaliya, si jiilasha dambe ee dersi doona taariikhda Soomaalida ay ugu noqoto meel ay ka tixraacaan qaabkii uu u dhacay duullaanka Itoobiya ay ku timid Balcad.

Waxaa kaloo jiray in duullaankaasi ku keydsan yahay taariikhda hadalka ah (oral history) iyo taariikhda keydsan (documented history). Dhanka tan hadalka ah, waxaa jirta qasiido kooban, oo Sheekh Aweys Maxamed Al-Muxyiddiin Al-Barawi, oo noolaa sannadihii 1847 illaa 1909, uu ku allifay xaruntiisii Biyooleey. Sheekh Aweys, wuxuu qasiidadiisa kaga qisooday halkii uu ka billowday iyo sidii uu u dhacay duullaanka ciidanka Itoobiya ee Balcad. Qasiidada ayaa tilmaameysa in maalinta duullaanku dhacay ay ahayd maalin Khamiis ah, ayna ‘ilma Dalandoole’ ka hor-tageen ciidanka Itoobiya, sidoo kale-na ‘Yaquurkii Samaala’ ay boqolaal u soo bexeen, ayna isu kaashadeen sidii ay uga hor-tegi lahaayeen duullaankaas gardarrada ah. Sheekh Aweys ayaa qasiidadiisa ku xusay in sannadka duullaanku dhacay uu ahaa 1327 xilliga Hijriga. Xilligaas ayaa markii la eego wuxuu kan gaalada ku noqonayaa aakhirkii 1908-dii.

Dhanka taariikhda keydsan, isaga oo diyaarinaya daraasad cilmi-baaris ah oo ku saabsaneyd PhD-diisii, oo markii dambe la daabacay, ayaa Professor Lee Cassaneli, oo ah taariikhyahan Mareykan ah, wuxuu 31-kii bishii July sannadkii 1971-kii wareysi uga qaaday magaalada Muqdisho abwaan Soomaaliyeed, oo ku noolaa aagga Afgooye, oo la oran jiray Laashin Canshooleey Cusmaan Caliyow, wuxuuna uga qiseeyey abwaan kale oo Soomaaliyeed, oo ka gabyey xilligii ciidanka Itoobiyaanku yimaaddeen Balcad, kaas oo xusay in isagoo dhallinyaro ah uu ‘adduunkii uu jeclaa ay soo weerareen Amxaaro', ayna dariiqa ku soo dileen dad u badnaa beel ka mid beelihii halkaa deganaa, una isticmaaleen qoryo dadkii uu metelayey Imaam Cumar, oo uu ula jeedo Imaamka Mudullood, ka dibna ay yimaaddeen Jii’iyow iyo duleedka Webiga, ayna soo gaareen Jibbirow, ka dib markii ay halkaas marayeen – wuxuu yiri – waxaa ka hor-tagay ‘Muslimiinta’ oo la dagaallamay, ka dib meel u dhow deegaanka Yaaqle waxaa kula dagaallamay beesha Moobileen, ka dib awoodda "mucjisada ah ee Goobroon ee beesha Gelledi" ayaa lagu jebisay, laakiin nasiib darro wuxuu abwaanku xusay in markii la jebiyey Itoobiyaanka ay meel walba qabsadeen ‘gaaladu’.

Tan u dambeysa ee is-ballaarinta gaaladii gumeysiga ahayd, inkasta oo uusan abwaanku si cad u sheegin xilliga ay isku soo fidiyeen dhulka gudaha ah, haddana waxay ku aaddan tahay sannadkii 1913-kii, markii gumeysiga Talyaanigu – oo ka duulay xeebaha Banaadir – uu isku fidiyey gobollada Bay iyo Hiiraan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip