Guriceel & Ahlusunna: Colaad iyo Cadownimo ayaa loo weeraray!

0
Wednesday December 15, 2021 - 21:00:06 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guriceel & Ahlusunna: Colaad iyo Cadownimo ayaa loo weeraray!

    Ahlusunna shalay iyaga oo Bohol iskajooga, oo bun, cambuulo, hilib, xadro iyo wardi isaga jira ayaa weerar lagu ekaysiiyey. Waa lagu jabay, oo dhimasho ka sokow, askar baa isudhiibtay, halka gawaari tikniko ah lagu qabsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahlusunna shalay iyaga oo Bohol iskajooga, oo bun, cambuulo, hilib, xadro iyo wardi isaga jira ayaa weerar lagu ekaysiiyey. Waa lagu jabay, oo dhimasho ka sokow, askar baa isudhiibtay, halka gawaari tikniko ah lagu qabsaday.

Guriceel ayey u soo dhaqaaqeen, casir ayaa looga cararay, saldhig ayey u noqotay, waxayns ku celcelsheen, in aysan qolona weerar ku ahayn, ee degaankooda iyo dadkooda ay joogaan.

Wadahadallo billowday dhanka Galmudug ayey ka socon waayeen, oo ‘iskataga’ ma ahane talo kale laga ma keenin, oo ah arrin aan qof walba oo dhanka Ahlusunna joogi lahaa aan u cuntami lahayn.

Adoo lagu soo weeraray, guul dagaal ku fadhiya, haddana gacanta ku haya magaalo istiraatiiji ah, ‘iskatag’ ma yeeli lahayd? Maya!
Hore nabaddii jirtay ayaa la wiiqay, oo jidka Guriceel iyo Dusmoreeb iskuxira kalago’ iyo cabsi ku marid ku sugnaa, Shabaabkuna dadka baad iyo leejo ka qaadaan marka ay doonaan.

Haddana, ayaa xoog iyo xeelad wixii la heli karay waxaa loo adeegsaday meel aan ku qummanayn.

Dagaal ayaa mar kale Ahlusunna lagu ekeeyey, oo Guriceel lagu qaaday duullaan ‘HUWAN’ ah, oo isugu jira malleeshiyaad u adeegta Fidno iyo Fergan iyo guutooyinkii ciidanka Qaranka sida, ee magacyda badnaa; Gorgor, Haad, Haramcad, Duufaan iqkb.

Keliya ma ahane, safka hore ee dagaalka waxaa taagnaa Taliyaha Ciidnaka Qaranka sida, sidii in cadow lala dagaalayo, oo ah arrin la yaabkeeda leh, ugubna ku ah xaaladda Soomaalida.

Ku ma sinnee, Xamar maalin walba labo diyaarad ama ka badan oo askar iyo saanad ciidan ay ku rarnaayeen ayaa ka degi jirtay Dusmoreeb.
Dagaalka lagu qaaday Guriceel keliya Ahlusunna la ma beegsan, ee waxaa lagu kucay wax ka baxsan Dhaqanka Soomaaliyeed, ku xun xeerarka dagaalka, diinta ka fog, haddana jebin ku ah xeerarka dgaalka dunida uga dunida, oo xarumihii aqoonta iyo daweynta sidoo kale ilihii kale ee nolosha ayaa la duqeeyey!

Dhanka kale, waxaa taageero u muujiyey wadaaddo ahaa Al Itixaadkii hore ee dhawr mar shaararka baddashay, haddana, rajiimka u ah afhayeennno!
Afar maalin dagaal socday, oo mar kale ballan ka baxyo ku dhexjirtay, maadaama aan la dhawrin baaqii xabbadjoojinta, ayaa ganacsato iyo siyaasiyiin u keeneen Ahlusunna codsi ah; xabbadjoojin iyo in ay magaalada Guriceel ka baxaan, ka dibna la wadahadlo!
In aan wadahal la fulin ka sokow, isla taladii ahayd; aryaa ‘isa soo dhiib’ ayey mar kale la shirtageen!

Sidee qof aad ciidan ahaan ku muquunin waysay kaaga oggolaanayaa taas, adoo diiday waddooyinka kale ee xal iyo xasil lagu helo karay? Sina!
Intaa keliya ma ahane, degaannadii Gobollada Dhexe la isku dhihi jiray, hadda Shabaab ayaa waddo walba taagan; Matabaan, Ceeldheere, Mareergur, Wisil, Godinlabe imk.

Sidaa oo wax u dheceen iyo sidaa oo xaalku yahay, haddana, maamulkii shalay awoodda badnaa, dawladdii dhexe ee ciidanka soo guraysay iyo siyaasiyiintii Cayr (siddeeddii) safka ku jirtay iqk ee dilka dadkooda iyo in degaankooda la burburiyo u riyaaqsaneed intuba aamus ayey galeen.
Markaa sow dhab ma ahan, in colaad magaalada Guriceel loo qabay iyo cadownimo Ahlusunna loo hayey, in dagaalka loo qaaday?
Intaa qofka aan garan, ee midnimo Galmudug iyo dawladnimo ayaa na deeqda loo aqriyey, ee inta dhagaystay iskaqaatay waa qof dhoohan!
#GARAADSADA!
W/Q.  Bashiir Maxamed Xirsi.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip