Geerida Yaxye Shariif: Muxuu yahay ninka Soomaaliga ah ee Booliska UK ay raadinayaan?

0
Sunday December 19, 2021 - 23:32:44 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geerida Yaxye Shariif: Muxuu yahay ninka Soomaaliga ah ee Booliska UK ay raadinayaan?

    Booliska dalka UK ayaa shaaciyay magaca nin ay ugaarsanayaan oo lala xiriiriyay dilka Yaxye Shariif, oo ahaa 18 jir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalka UK ayaa shaaciyay magaca nin ay ugaarsanayaan oo lala xiriiriyay dilka Yaxye Shariif, oo ahaa 18 jir.


Booliska dalka UK ayaa shaaciyay magaca nin ay ugaarsanayaan oo lala xiriiriyay dilka Yaxye Shariif, oo ahaa 18 jir.

Shariif oo kasoo jeeday xaafadda Nechells ee magaalada Birmingham, ayaa isagoo dhaawac culus qaba Jimcadii oo taariikhdu ahayd 10-kii December laga helay xaafadda Small Heath, wax yar kaddibna isla goobtii ayuu ku geeriyooday.

Ciidanka booliska ee ka horl gala West Midlands ayaa sheegay inay doonayaan in ay la hadlaan Cabdiraxmaan Yuusuf, oo 19 jir ah, kaasoo isagana kasoo jeeda xaafadda South Yardley ee magaalada Birmingham. Ninkan dhallinyarada ah ayaa wax laga weydiin doonaa geerida Shariif, oo la sheegayo in uu ku lug lahaa.

Dambi baareyaasha ayaa sheegay inay shacabka ka doonayaan caawinaad "deg deg ah", si ay garab uga siiyaan soo qabashada Cabdiraxmaan Yuusuf.

Qof walba oo wax ka og meesha uu ku sugan yahay Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa lagu boorriyay inuu waco lambarka booliska ee 999.

The scene
Qoraalka sawirka,

Yahya Sharif ayaa isagoo dhaawac liita ah laga helay waddo ku taalla Small Heath

Dhanka kale, nin kale ayaa dacwad loogu soo oogay sababo la xiriira dilka Mr Shariif, sida ay sheegeen saraakiisha booliska West Midlands.

Maxamed Cabdulkariim, oo 18 jir ah, kasoo jeeda xaafadda Deykin Avenue oo ka tirsan Witton, ayaa la filayaa inuu maxkamadda kasoo hor muuqdo maal.inta Isniinta ah

Intaas ka hor, Cabdullaahi Cabdi, oo 19 jir ah, kana soo jeeda xaafadda Queenstown ee magaalada London, ayaa isagana dacwad loogu soo oogay dilka Yaxye Shariif.

Yahya Sharif

XIGASHADA SAWIRKA,WEST MIDLANDS POLICE

Qoraalka sawirka,

Yahya Sharif ayaa geeriyooday Jimcadii, sida ay boolisku sheegeen

Ninkaas dhallinyarada ah ayaa wali ku jira gacanta booliska, waxaana lagu wadaa inuu hor tago garsooreyaasha maxkamadda Birmingham, dhageysiga dacwaddiisana waxay sidoo kale billaaban doontaa maalinta Isniinta ah.

Khamiistii ayaa booliska loo fasaxay inay saldhigga kusii hayaan ninkaas, ilaa laga gaarayo waqtiga ay furmeyso maxkamadda.

Yaxye ayaa lagu soo warramay in lagu tooriyeeyay waddada dhexdeeda, ilaa haddana lama oga sababaha loo dilay.


BBC
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip