Jamaal Khaashuqji: Muxuu Faransiiska u sii daayay ninka loo xiray dilkii wariyaha?

0
Wednesday December 08, 2021 - 23:06:11 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Khaashuqji: Muxuu Faransiiska u sii daayay ninka loo xiray dilkii wariyaha?

    Dacwad oogeyaasha dalka Faransiiska ayaa sii daayay nin u dhashay Sacuudiga oo loo xiray eedeymo la xiriira dilkii Jamaal Khaashuqji kaddib markii lasoo gabogabeeyay baaritaan lagu hayay oo lagu ogaaday in lagu khaldamay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dacwad oogeyaasha dalka Faransiiska ayaa sii daayay nin u dhashay Sacuudiga oo loo xiray eedeymo la xiriira dilkii Jamaal Khaashuqji kaddib markii lasoo gabogabeeyay baaritaan lagu hayay oo lagu ogaaday in lagu khaldamay.


Khaled Alotaibi, oo 33 jir ah ayaa maalintii Talaadada lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris, iyadoo loo adeegsanayay amar xiritaan oo kasoo baxay dowladda Turkiga.

Mid ka mid ah ilaalada boqortooyada Sacuudiga oo isla magacaas leh, da'diisuna ay la mid tahay sidaas ayaa lagu daray liiska shakhsiyaadka cunaqabateynta la saaray ee Mareykanka, isagoo loo heysto dilkii 2018-kii wariyaha loogu geystay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, Turkiga.

Khaashuqji, oo ahaa wariye saldhiggiisu yahay Mareykanka, ayaa dhaleeceyn jiray dowladda Sacuudiga.


Hase yeeshee baareyaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Khaashuqji uu ahaa "dhibane si ulakac ah loo dilay" dilkiisuna uu ahaa mid amar lagu soo bixiyay", waxayna sheegeen in caddeymo ku filan loo helay in saraakiil sar sare oo Sacuudi ah, oo uu ku jiro dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed bin Salmaan, ay ku lug lahaayeen dilkiisa. Dhaxal sugaha ayaase beeniyay inuu door ku lahaa falkaas.

Booliska Faransiiska ayaa Talaadadii sheegay in muwaadin u dhashay Sacuudiga oo wata baasaboor uu ku qoran yahay magaca Khaled Aedh Alotaibi lagu xiray garoonka Charles de Gaulle ee magaalada Paris, xili uu doonayay inuu raaco diyaarad u socotay magaalada Riyaad.

Qalabka ayaa qeylo dhaan sameeyay markii baasaboorkiisa la marinayay baaritaanka korontada ku shaqeeya maadaama ay xogtiisa la mid noqotay mid kale oo laga diiwaangeliyay garoonka diyaaradaha.

Booliska adduunka ee loo yaqaanno Interpol ayaa kusoo xiray warqado fasax ah oo ay soo saartay Ankara.

Marka laga soo tago magaca, ninkan waxa uu goobta dhalashada iyo bisha dhalashada la wadaagayay ninka la raadinayay, sida ay booliska sheegeen. Waxaa xitaa jiray isku ekaansho la isugu soo qabanayo labada nin.

Balse maanta oo Arbaco ah, madaxa dacwad oogista ayaa ku dhawaaqay: "xaqiijin qota dheer kaddib waxaan go'aansannay in qofka la xiray uusan ahayn kii la raadinayay ee warqadaha lagu soo xirayo la hayay."

Safaaradda Sacuudiga ee magaalada Paris ayaa habeennimadii Talaadada ku adkeysatay in ninkan "uusan wax lug ah ku lahayn kiiska laga hadlayo" waxayna dalbatay in si deg deg ah loo sii daayo.

Frame grabs taken off CCTV video made available through the Turkish Newspaper Sabah allegedly shows members of a group of Saudi citizens that Turkish police suspect of being involved in the murder of Jamal Khashoggi, at Istanbul's Ataturk airport on 2 October 2018

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Kaamirada garoonka diyaaradaha ayaa qabatay 15 nin oo u dhashay Sacuudiga oo galaya Istanbul ka hor dilka

Sucuudiga ayaa dilka weriye Jamaal Khaashoqji ku eedeeyey [kuwo] fuliyey "hawlgal qaldan oo aanay amar u haysan" , hadalkaas oo ah mid dhan kale ka eegaya dhacdo dunida oo dhami ka qaylisay.

Wasiirka arimaha dibada, Caadil Al-Jubayr, ayaa u sheegay telefishanka Fox News in "dilku" ahaa "khalad weyn" waxaanu beeniyey in dhaxal sugaha taajka boqortooyada ee awoodda badani amray.

Khaashoqji waxa markii ugu dambaysay isagoo nool la arkay markii uu galayey qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xukuumadda Sucuudigu waxay markii hore sheegtay in uu qunsuliyada ka baxay 2 Oktoobar, laakiin Jimcihii ayay markii ugu horaysay qirtay in uu dhintay, waxaanay sheegtay inuu ku dhintay dagaal gacan ka hadal ah [oo isaga iyo saraakiil wax weydiinaysay dhex maray]. Hase yeeshee arintaa waxay kala kulantay dhaleecayn weyn.

Saraakiisha Turkiga ayaa se rumaysan in Khaashoqji oo ahaa nin ku cadcad dhaliisha xukuumadda Sucuudiga ay koox ka tirsan sirdoonka Sucuudigu ku dhex dishay dhismaha qunsuliyadda waxaanay sheegeen in ay hayaan caddaymo arintaa muujinaya

BBC

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip