Falanqeynta UCL Group E (Shakhtar v Chelsea) (Nordsjaelland v Juventus)

0
Tuesday October 23, 2012 - 11:03:52 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 37344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta UCL Group E (Shakhtar v Chelsea) (Nordsjaelland v Juventus)

    (Laacib.net)Rikoor xoogan oo ay garoonkeeda kaga heysato kooxaha Ingariiska ayaa kooxda Shakhtar Donetsk siineysa kalsooni ka hor kulanka Champions League ee ay caawa la ciyaarayaan kooxda Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib.net)Rikoor xoogan oo ay garoonkeeda kaga heysato kooxaha Ingariiska ayaa kooxda Shakhtar Donetsk siineysa kalsooni ka hor kulanka Champions League ee ay caawa la ciyaarayaan kooxda Chelsea.


Shakhtar ayaa afar kulan la ciyaartay kooxaha Premier League tan iyo 2000, waxaana ay badiyeen seddex ka mid ah afartii kulan ee ay garoonkooda kula ciyaareen kooxahaas, oo ay ku jiro kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Arsenal wareegii group-yada ee Champions League ee 2010-11.

Waxa ay aheyd markii labaad oo Arsenal ay guuldarro ku soo gaarto garoonka Donetsk ka dib markii 3-0 looga badiyay 2000, halka Tottenham ay sidoo kale looga badiyay garoonka Shakhtar 2009kii markaasoo Shakhtar ay ku badisay 2-0 kulan ka tirsanaa Europa League.

Fulham ayaa ah kooxda kaliya ee Premier League ka dhisan ee Shakhtar kaga badisay minankeeda, iyagoo ku garaacay 2-1 koobka Europa League sannadkii 2010.

Kooxda Ukraine ka dhisan ayaa hogaanka u heysa horyaalkooda ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen sabtidii kooxda Illichivets, waxaana ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka sida ugu fiican iyagoo badiyay 12 kulan, waxaana ay hogaanka ku hayaan 12 dhibcood.

Kulanka maanta ka dhacaya Donbass Arena ee Champions League ayaa waxaa isku dhacaya labada kooxood ee ugu sareeya group-ka, iyadoo koox walba ay leedahay afar dhibcood, laakiin Chelsea ayaa farqiga goolasha ku horeysa.

Chelsea ayaa iyadana aan dhinaceeda dhulka loo dhigin weli horyaalka Premier League, iyagoo 4-2 ku dubtay Tottenham sabtidii waxaana ay hogaanka u hayaan horyaalka Premier League.

MAXAA KA CUSUB?

Tababaraha kooxda Shakhtar Mircea Lucescu ayaa heysta koox adag oo uu ka soo xusho. Daafacyada khibrada leh Razvan Rat iyo Darijo Srna ayaa labadoodaba laga yaabaa inay ku bilowdaan, si la mid ah afarta ciyaaryahan ee reer Brazil Ilsinho, Fernandinho, Willian iyo Luiz Adriano.

Inkastoo uu gool dhaliyay Croatia kulankii ay ka badiyaan Wales, ciyaaryahankii hore ee Arsenal Eduardo ayay u badan tahay inuu kursiga keydka ku soo bilaaban doono, iyadoo weeraryahan Henrikh Mkhitrayan uu afka hore ku soo bilaabanayo.

Dhanka Blues tababare Roberto Di Matteo ayay u badan tahay inuu dib line-upkiisa ugu soo dari doono John Terry kaasoo kobabka England kaga maqan ganaax afar kulan ah. Frank Lampard oo kursiga keydka ku bilowday kulankii Tottenham ayaana laga yaabaa inuu fursad loo siiyo inuu ku soo bilowdo.

Fernando Torres ayaa mar kale hogaamin doona weerarka Chelsea, iyadoo ay caawinayaan kubadsameeyayaasha seddexda ah Juan Mata, Oscar iyo Eden Hazarad.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

SHAKHTAR DONETSK
Shakhtar Donetsk
Pyatov
Srna, Chygrynskiy, Rakitskiy, Rat
Hubschman, Fernandinho
Ilsinho,�Mkhitaryan, Willian
Luiz Adriano
CHELSEA

Cech
Ivanovic, Terry, Luiz, Cole
Mikel, Lampard
Hazard, Oscar, Mata
Torres

Kulanka kale ee Group E, Juventus ayaa hogaanka group-ka qaban karta hadii ay ka badiyaan kooxda Denmark ee Nordsjaelland, islamarkaana Chelsea iyo Shakhtar ay barbaro galaan.

Nordsjaelland ayaan weli wax gool ah ka dhalin xilli ciyaareedkoodii ugu horeeyay ee ay ciyaaraan Champions League, waxaana laga dhaliyay afar gool markii Chelsea ay booqatay ciyaartii ugu danbeysay.

Juventus ayaa si qatar ah u ciyaartay kulankii ay martida u ahaayeen Chelsea oo ay barbaro 2-2 ah la galeen, laakiin natiijo taas la mid ah ayayna Skhakhtar kula galeen garoonkoooda, tababare Antonio Conte ayaana rajeynaya inay guushii ugu horeysay caawa ka gaaraan kooxda tabarta yar ee Nordsjaelland.

MAXAA KA CUSUB?

Juventus ayaa waxaa dib ugu soo laabtay kabtan Gigi Buffon iyo weeraryahan Mirko Vucinic kuwaasoo seegay kulankii ugu danbeeyay ee Napoli ay ka badiyeen habeenkii sabtida.

Si kastaba, kulanka Copenhagen ka dhacaya kooxda heysata horyaalka Talyaaniga waxaa ka maqnaan doona Pepe iyo Pablo De Ceglie, iyo sidoo kale iyadoo la nasasiinayo ciyaaryahanada Stephan Lichtsteiner iyo Kwadwo Asamoah.

Dhanka kooxda martida loo yahay ma qabto wax dhaawac cusub ah oo ay ka walwalaan.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

FC NORDSJAELLAND

Hansen
Parkhurst, Okore, Runje, Mtiliga
Stokholm, Adu
Lorentzen, Christensen
, John
Nordstrand

JUVENTUS


Buffon
Barzagli, Bonucci, Chiellini

Pirlo
Isla, Marchisio, Vidal, De Ceglie
Giovinco, Vucinic

Group E:

Shakhtar Donestk v Chelsea — Waqtiga: 9:45 p.m xilliga Soomaaliya

Nordsjaelland v Juventus — Waqtiga 9:45 p.m xilliga Soomaaliya

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip