Kooxaha Arsenal iyo Dortmund oo ku tartamaya booska 1aad ee Group-ka ay ku wada jiraan

0
Tuesday December 09, 2014 - 16:44:57 in Sports by
  • Visits: 2295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha Arsenal iyo Dortmund oo ku tartamaya booska 1aad ee Group-ka ay ku wada jiraan

    Borrusia Dortmund waxey garoonkeeda Signal Iduna Park kusoo dhaweyn doontaa Anderletch, halka wiilasha Arsene Wenger ay u safreen dalka Turkiga si ay ula soo ciyaaraan Galatasaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Borrusia Dortmund waxey garoonkeeda Signal Iduna Park kusoo dhaweyn doontaa Anderletch, halka wiilasha Arsene Wenger ay u safreen dalka Turkiga si ay ula soo ciyaaraan Galatasaray.
Arsenal iyo Dortmund ayaa ku dagaalaya booska 1-aad ee groupkaan xili haatan kooxda Jarmalka ah ay laba dhibcood ka sareyso dhigeeda Gunners.

Galatasaray wax rajo ah kama lahan iney baaqi kusii ahaato tartamada yurub waxaana nasiib badan helay Anderletch oo u dhici doonta tartanka Europa League.

GALATASARAY VS ARSENAL:

Arsenal ayaa safartay iyadoo ciishoon maadaama sabtidii ay guuldaro lama filaan ah kala kulmeen kooxda Stoke City kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Arsene Wenger ayaa badali doona shaxdiisa waxaana dhaawac kaga maqan xidigaha: Walcott, Wilshere, Mesut Ozil, Debuchy kuwaas oo mudo dheer kooxda ka maqan.

Labada wiil ee kursiga keydka ku daahay Podoslki iyo Campbell ayaa fursad u heli doona iney caawa wajahaan Galatasaray madama kulanka uu yahay mid natiijo weyn aan laheyn.

Xusuusta kulankaan, Danny Welbeck ayaa dhaliyay sadexleydiisii ugu horeysay Arsenal iyo Tartanka Horyaalada Yurub kulan kusoo dhamaaday 4-1.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

GALATASARAY:

Muslera; Sarioglu, Chedjou, Kaya, Telles; Sneijder, Kurtulus, Colak, Bruma; Yilmaz, Bulut


ARSENAL:

Szczesny; Gibbs, Mertesacker, Koscielny, Bellerin; Flamini, Ramsey; Podolski, Campbell, Oxlade-Chamberlain; Welbeck

BORRUSIA DORTMUND VS ANDERLETCH

Uma Xiiso badnaan doono kulankaan sidii kulankii hore ee ka dhacay dalka Belgiumka madama labada kooxoodba ay heystaan natiijo ku filan waxaana ay arintu dhankeeda ka adkaan doontaa Dortmund oo u ordeysa iney kusoo baxdo booska koowaad ee groupka.

Dortmund dhibtii wey ka baxday madama ay guul gaartay todobaadkaan kulankii ay ciyaareen horyaalka waxeyna soo tiigsadeen booska 14-aad iyagoo leh 14-dhibcood.

Si Kastaba Jurgen Klopp wiilashiisa rikoor fiican ayey ka heystaan Anderletch waxeyna awoodooda ku muujiyeen tartankaan walow dhanka horyaalka uu liito.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

DORTMUND:

Langerak; Piszczek, Subotic, Hummels, Durm; Bender, Kehl; Aubameyang, Ginter, Kagawa; Immobile

ANDERLETCH:

Proto; Vanden Borre, Mbemba, Deschacht, Acheampong; Tielemans, Praet, Kljestan; Conte, Cyriac, Kabasele.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip